Xil: Naasir X. Cali Shire oo Caddeeyey Cidda Xogta Musuqmaasuq ee ay Kashifeen ka Caawisay iyo inay Xukuumaddu kula Socoto

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay ciddii ka caawisay Xogo Musuqmaasuq oo ay soo bandhigeen toddobaadkii hore, isla markaana ay eedaymo ugu jeediyeen Masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumaddii Siilaanyo iyo Shirkado Ganacsi, waxaanu caddeeyey inay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kula socoto baadhitaanka Musuqmaasuq ee ay wadaan.

Bulshada in badan oo ka mid ah, ayaa soo dhawaysay baadhitaankaas iyo waxyaabaha ay Guddigu soo bandhintay, halka ay Xubnaha la eedeeyey iyo Dad taageeraana ku tilmaameen eedayntaas mid ujeeddo gaar ah laga leeyahay oo cid lagu bartilmaameedsanayo, cidna lagu badbaadinayo oo aan Dad wax musuqay oo kale la baadhin ee ay Guddigu ka warwareegayso xaqiiqada jirta, sida ay dadka naqdiyey qaarkood ku doodeen.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ah Guddoomiyaha Guddigaas oo Warbixintaas soo bandhigay, ayaa Barnaamijka Hal-adayg ee ka baxa Horn Cable TV lagu waraystay, waxaanu kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo la weydiiyey, isaga oo iftiimiyey xogaha cidda ka caawisay iyo siday u heleen iyo sababta ay Dad iyo Shirkado gaar ah u bartilmaameedsaneed. Waxaanannu Waraysigaas dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaaye, Daawasho wacan oo wanaagsan.

aftahanin@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.