Daawo Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo isku Khilaafay Lacag Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ku Kordhisay Qiimaha Biyaha

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isku khilafay Lacag Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku kordhisay Qiimaha Foostada Biyaha ah lagu iibiyo, ka dib markii uu Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maanta hortegay Guddigaas, isla markaana qiimaha uu kordhiyey iyo shaqada Wakaaladda Warbixin ka siiyey Xubnaha Guddigaas.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar Sanweyne iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Maxamed Cali Daarood, ayaa ugu horreyn markii kulankaas oo albaabbadu u xidhnaayeen ka soo baxeen Saxaafadda la hadlay, ka dibna Su’aal baa la weydiiyey Mudane Sanweyne, taas oo dhalisay in Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo Guddiga ka mid ahi sheego inaanay Guddi ahaan Wakaaladda Biyaha ku taageersanayn Lacagta ay kordhisay oo Guddoomiye Sanweyne isagu sheegay inay ku taageersan yihiin.

Haddaba, Warbixinta Warkaas iyo sida wax uga dhaceen Golaha Wakiillada Somaliland Arbacadii Maanta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.