“Waa In Deg Deg Loo Joojiyo Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida..” Abiy Ahmed

Addis-Ababa (Aftahannews)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay dagaallada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, isaga oo ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalladaas.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Warbaahinta dowladda kaddib markii ay halkaa ka dhoofeen magaalada Addis Ababa wafdiggii uu horkacayay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerk.

Abiy ayaa gaar ahaan siweyn u cambaareeyay dilalka joogtada ah oo dadka Oromada ah kula kacayaan Soomaalida, isaga oo faray laamaha Amniga guud ahaan in ay arintaa soo afjaraan.

Maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahinayay Muuqaalo iyo Sawirro ka tarumaya xasuuqa iyo dilalka Oromada ay kula kacayaan dadka Soomaalida ah oo la arkayay iyaga meydadka dad Soomaaliyeed ku dul ciyaaraya.

Dhinaca kale Ururrka ONLF oo ka mid ah Ururrada ugu waaweyn mucaaradka dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay ra’iisal wasaare Abiy in uu soo afjaro dagaalka labada Qowmiyadood.