“Wafdiga Madax-dhaqameedka Somaliland Waxaan U Sheegnay in Aan Wadahadal Laga geli Karin Arrinta Tukaraq”..Suldaan Siciid Garaase

Garoowe (Aftahannews) – Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa hawlo nabadeyn ah u joogey Salaadiin iyo Ganacsato reer Somaliland ah oo ka kala yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka maamulka Puntland.

 Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimadda Puntland ee la kulmay wafdiga ayaa sheegay inay ku wargeliyeen arrinta Tukaraq inan wada-hadal laga gali karin inta ay ku suganyihiin ciidamada Somaliland, wuxuu ka hor-yimid go’aamo nabadeed oo wafdigu kala tageen Garoowe.

“Wafdigan iyagaa noogu yimid Garoowe, markan wareysanay waxay noo sheegeen nabadeyn inay u socdaan, sidii uu ahaa dhaqanka Soomaalida in maxaabiis la isku celiyo waan soo dhaweynay, waxaanse u sheegney arrinta Tukaraq wax wadahal ah inan laga-gali karin inta ay joogaan ciidanka Somaliland.” ayuu yidhi Suldan Garaase.

Gabagabadii, wuxuu caddeeyay Suldan Garaase xalka xiisada gobolka Sool ee Somaliland iyo maamulka Puntland inuu ku imaan karo marka ciidamada Somaliland ay isaga baxaan illaa deegaan Labida, isagoo marka xaqiijiyay go’aanka isimadda iyo dowladda inuu yahay wadahadal inan la-galin inta ay ciidamada Somaliland deegaannada ku suganyihiin.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com

Garoowe/Puntland