“Dagaalka Tukaraq Waxba Nalagama Weydyiin, Sool-na Annagaa leh…” Prof: Cali Khaliif Galaydh

Laascaanood (Aftahannews)- Prof: Cali Khaliif Galaydh oo magaalada Laascaanood ka furay Kal-fadhigii 9-aad ee Baarlamaanka Khaatumo, ayaa si kulul uu uga hadley xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay hore isugu dileen immikana isku horfadhiyaan Ciidammada Somaliland iyo Puntland, waxaanu sheegay inaan dagaalkaas lagala tashan oo aanay dawladda Somaliland waxba ka weydiin isaga.

Cali Khaliif, ayaa cadeeyey in Somaliland aaney dagaalkaasi ka Talo Galinin, oo dhulka Lagu dagaalamayo ay leeyihiin hadii aan taladiisa laga qeybgelinina meel uu dagalkaasi gaadhayana aanu jirin.

Sidoo kale Prof Galeydh ayaa eedihii ugu cuslaa waxaa uu u jeediyey maamulka Puntland waxaana uu carabka  carabka ku dhuftey in Abtirsiinta Ay Puntland la ordeyso ay tahay mid awarka lagu kacsanaayo, balse Puntland aaney danta Khaatumo Iyo Dhul bahante aaney Wadin.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.