Dowladda Mareykanka oo bogaadiyey Xidhiidhka Ethiopia iyo Eritrea

White House Press Secretary Sarah Huckabee Sanders gestures as she answers a question from the media during the daily briefing, Thursday, June 14, 2018, in the Briefing Room of the White House in Washington. (AP Photo/Jacquelyn Martin)

Hargaysa (Aftahannews)- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in horumarka ay Ethiopia iyo Eritrea ka sameeyeen xal u helista murranka muddada dheer ka dhex oognaa iyo caadiyeynta xidhiidhkooda uu dhiirigelinayo.

In ka badan 20-kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa colaadda ka dhex oogneyd labada waddan ay hor istaagtay degenaanshaha iyo kobaca dhaqaale ee gobolka.

War-qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in nabad waarta aysan barwaaqo u horseedeyn shacabka Ethiopia iyo Eritrea kaliya balse guud ahaan dalalka deriska la ah, gobolka, Mareykanka iyo gaar  ahaan dunida.

Qoraalka ayaa lagu yidhi “Mareykanku waxa uu bogaadinayaa qoraalki ka soo baxay Ethiopia 5-tii bishan June ee ay ku sheegtay inay si buuxda u aqbaleyso heshiiskii labada dhinaca ay sanadkii 2000 ku gaadheen dalka Algeria.”

Qoraalka ayaa sidoo kale Mareykanka uu ku soo dhaweeyay go’aankii 20-kii bishan uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu wafdi ugu diray Addis Ababa, si loo sii horumariyo wada hadallo nabadeed oo labad dhinac dhex mara.

Qoraalka waxaa lagu yidhi “Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerkiga Eretria ayaa labaduba muujiyay hogaan geesinimo iyagoo talaabooyin u qaaday dhinaca nabadda”