Amiirka boqortooyada Ingiriiska oo tagaya Falastiin

london(Aftahannews):- Amiirka boqortooyada Ingiriiska oo tagaya

Falastiin.

Xubin sare oo ka socda qoyska boqortooyada Ingiriiska iyo dowladda dalkaas ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagaya dhulka dadka reer Falastiin ay hadda degenyihiin, islamarkaasna maamulaan.

Amiir William ayaa tagaya magaalada Ramallah, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysay oo qof qoyskan ka tirsan uu booqdo dhulka reer Falastiin oo in badan oo ka mid ah lagu eedeeyo Ingiriiska in uu Israa’iil gacan ka siiyay in ay qaataan dhulka reer Falastiin.