Magaalada Hargaysa Oo Si Balaadhan Looga Dabaal Degay Xuska 18MAY

Hargaysa (Aftahannews):- Dadwaynaha Magaalada Hargaysa ayaa waxa ay si balaadhan saaka isugu soo baxeen debaal dega Xuska 18MAY,Waxaana dabaal dega Shacabka  Reer Hargaysa kala soo qayb Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa, Masuuiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka iyo Wufuud kala duwan oo ka kala socda Wadamada Caalamka iyo Kuwa Jaarka.