Xildhibaanno Kashifay Shirkado Laaluush Ku Hantay Gacan-ku-haynta Haamaha Kaydka Shidaalka Somaliland & Go’aanka G/Wakiillada

MOOSHIN SHIRKADAHA SHIDAALKA MAAMULA KA DHAN AH OO GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND LAALAY 2019

Hargaysa(Aftahannews):- Maalmo ka ayay ahayd markii Golaha wakiilada Somaliland la keenay  Mooshin Xukuumada Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi loogu Soo Jeedinaayo inuu Dhaqan galiyo Go,aan Baarlamaan oo Hore Golaha Wakiilada Somaliland ugu Codeeyeen in Maamulka Haamaha Shidaalka ay Gacanta ugu Jiraan Xukuumada Somaliland,Balse Dawladii Hore ee MadaxweyneSiilaanyo ay Go,aankaa ka dooratay Qadar lacageed oo ay ka Qaaday Shirkadaha ku Bahoobay Haamaha Shidaalka Magaalada Berbera kuwaas oo loo yaqaano Berbera Oil Group(BOG),iyadoo Xukuumadu ka wareejisay Maamulka Haamaha Shidaalka Shirkadaasi.

MOOSHIN SHIRKADAHA SHIDAALKA MAAMULA KA DHAN AH OO GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND LAALAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba Muddanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhawaan Golaha  Horkeenay Mooshin ay ku saxeexan yahiin Xildhibaano Tiradoodu Gaadhaysa ilaa 30 Xildhibaan kuwaas oo Mooshinkoodu ku saabsanaa in Golaha wakiilada Somaliland ay Gacanta Xukuumada dib ugu soo Celiyaan Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera.

Hadaba fadhigii Saaka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa  Cod la galiyay Mooshinkaasi , Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle oo fadhigaasi Gudoominaayay ayaa markii ku bilaabay Hadalo ay Dhibsadeen inta Badan Xildhibaanada oo u muuqday mid ay ku jirto faragalin ka baxsan golaha wakiilada Somaliland.

Markii Codka la galiyay Mooshinkaasi ayaa waxa Guud ahaanba isbadalay Jawigii Fadhiga iyo Hoolkii Golaha wakiilada Somaliland Gudoomiye Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle ayaa guud ahaanba iska Dhego tiray Doodii Xildhibaanada isagoo Cod Duuduuba Galiyay Mooshinkaasi

49 Xildhibaan oo ka mid ahaa 63 Xildhibaan oo kala Fadhigan ka soo Xaadiray ayaa u codeeyay in Nidaamka Maamul ee Haamaha Shidaalka aan waxba laga Badalin islamarkaana loo Daayo Gacan ku hayntooda Shirkadaha hada maamula ,Xildhibaanada u codeeyay Go,aanka Maanta ee lagu laalay mooshinkii Golaha Horyaalay ee Haamaha Shidaalka ayaa waxay u badanaayeen Xildhibaanadii Hore mooshinkan u Keenay una soo Jeediyay in Maamulka Haamaha Shidaalka laga Soo celiyo Gacanta Shirkadaha , Mudanayaasha ku jira Gudiyada Dhaqaalaha ,Khayraadka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ayaa mar qudha ka baxay mooshinkii ay Golaha Keeneen marka laga reebo LIx(6) Xildhibaan oo iyagu Diiday.

MAXAA BADALAY GO,AANKA XILDHIBAANADA?

Warar Rasmiya oo Shabakada Dhamaysnews Heshay ayaa shaaciyay in Masuuliyiinta Shirkadaha Shidaalka ee BOG ay labadii maamood ee ugu Dambeeyay ay wadeen kulamo ay la lahaayeen shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanada siiba Mudanayaashii Mooshinka waday iyagoo ku Qasbaayay inay Xildhibaanadu laalaan Mooshinka taas badalkeedana ay ku bixinaayeen Lacago Laaluusha Gudoomiyeyaasha Gudiyada Dhaqaalaha ,Kheyraadka iyo Ilaalinta Hantida ayaa la ku qancay inay laalaan mooshinka islamarkaana ay Badalkiisa Siistaan lacag ay ka qaateen Shirkadaha Shidaalka keena

QADDARKA LACAGTA LAGU BIXIYAY LAALISTA MOOSHINKA WAA IMMISA?

Wararka ka ka soo baxaaya Golaha Wakiilada ayaa sheegaaya in Shirkadaha Haamaha Shidaalka Berbera ay Joojinta Mooshinkan ku bixiyeen lacag badan ilo Wareedka Shabakada Dhamaysnews Heshay ayaa tibaaxaaya in lacag Qadarkeedu Dhan yahay Hal Million ($1 Million),oo Doollar ay ku bixiyeen Laalistay Mooshinkaasi iyagoo lacagtaan siiyay Inta badan Xildhibaanadii Mooshinka waday iyo Shirgudoonka golaha wakiilada oo uu Waheliyo La taliyaha Sharciga ee Golaha wakiilada .

Isku Soo wada Duuboo Shirkadaha Maamula Gacan ku haynta Haamaha Shidaalka Berbera ayaa mar kale Xeelad Laaluush iyo Awood Dhaqaale ku Xalaashaday Gacan ku haynta Haamaha Shidaalka Berbera,Talaabadan ayaa Dhabar Ku noqoneysa in Mudanayashii Ka Wakiilka ahaa Shacabka Reer Somaliland ay Shaqadoodii Iyo Awoodoodii ay ku Badalaan lacag iyo Laaluush Xaaraana

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa laga warsugayaa tallaabada ay ka Qaadan doonto Shirkadaha Shidaalka Keena Dalka Somaliland Keena, isla markaana gacanta ku haya Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee magaalada Berbera.

Mustafe Axmed Herer

Hargaysa/Somaliland.