Ciyaaryahan u Dhashay Congo oo Noqday Ciyaaryahankii ugu Qaalisanaa Afrika  

Ciyaaryahanka reer Congo Cedric Bakambu balse ku dhashay dalka Faransiiska ayaa noqonaya ciyaaryahankii ugu qaalisan Afrika.

Ka dib wadaxaajoodyo dheeraad ah Cedric Bakambu wuxuu ugu biiray kooxda kubadda cagta ee Shiinaha ka dhisan ee Beijing Guoan heshiis la aaminsan yahay in uu yahay in uu noqon doono ciyaaryahankii ugu qaalisanaa Afrika abid.

Warar heshiiskaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya in ciyaaryahan Bakambu lagu iibsaday 90 milyan oo doolar, waxaana uu ka sara marayaa rikoodhkii ciyaaryahanka ugu qaalisan Afrika ee horey kooxda Liverpool uga soo iibsatay kooxda 65 milyan oo doolar Red Bull Leipzig xiddiga reer Gini Naby Keita.

Bakambu wuxuu saxeexay heshiiska oo socon doona muddo afar sano ah, iyadoo ciyaartooyga iyo kooxduba ay soo bandhigeen sawirada heshiiskaasi.

Khadar Dirir (Khadar Jacayl)