Cristiano Ronaldo  Oo Shuruud Mushahar Kordhin Ah Dul-dhagay Real Madrid?

Ciyaaryahanka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa lasheegayaa in uu shuruud adag ku xidhay sii joogitaankiisa naadiga dalka Spain kadib markii uu Xalay u qaaday koobka kooxaha adduunka.

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu u sheegay Maamulka Naadigiisa hadii ay doonayaan in uu sii joogo kooxdiisa in laga dhigo ciyaaryaahnka caalamka oo dhan ugu mushaharka badan haddii kale uu ka dhaqaajin doono.

Ronaldo oo 13 bilood ka hor heshiis cusub lagalay Real Madrid ayaa la sheegayaa inuu ka masayr-sanyahay heshiisyadii lacagta badnaa ee ay galeen xiddigaha Neymar iyo Lionel Messi kuwaas oo hada ah Ciyaartoyda ugu mushaharka badan caalamka oo dhan.

Lionel Messi oo dhawaan heshiis cusub u saxeexay heshiis cusub kooxda Barcelona ayaa qaata adduun lacageed gaadhaya 50 million euros.

Khadar Jamac Dirir