“Dalka Waxa Ka Dhacday Doorasho Xisbiga Kulmiye Fasahaadiyey, Masuuliyaddana Waxa Iska Leh Komishanka..” Aadan-Dhoollayare

Aadan Dhoollayare oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay Gurmadkii Abaarta kaga Mashquushay Dillaalnimo & Musuq 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare, Xilalka Wasiirka Cadaaladda ioy Beerahabana ka soo qabtay Xukuumaddii Md. Rayaale, balse wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in doorashadii Madaxtooyada 13-kii bishan qabsoontay uu Xisbiga Kulmiye Fasahaadiyey, Masuuliyadda Fashilka taaganna ay iska leeyihiin Guddiga doorashooyinku.

AADAN AXMED CILMI DHOOLLAYARE OO SHEEGAY IN DOORASHADA KULMIYE FASAHAADIYEY 2017

Aadan-Dhoollayare oo Warbaahinta qaar la wadaagay Dhacdooyin uu sheegay inay ahaayeen kuwo fool-xun oo doorashada hadheeyey, waxaanu ka sheekeeyey waxyaabaha dhacay codayntii doorashada ka dib ee Xisbiga Waddani saluugga weyn ka muujiyey, waxa uu yidhi; “Dhacdooyinkii ka dhacay Burco, Ceerigaabo Iyo Hargeysa, marka ugu horaysa waxa tacsiyadaynayaa dadkii ku geeriyooday halkaa. Ta labaad waxaan leeyahay khaladka halka ka dhacay waxa iska leh ciidamadda Bilayska.”

Waxa uu Aadan-Dhoollayare oo sababaynaya arrimahaas intaas ku daray oo uu yidhi; “Sababto ah Carruur yaryar oo taayir waddo ku gubaysa in loo dalbado ciidamo intaa le’eeg oo xabbad nool ku rida oo iyagii sii cariya, waxa ka habboon in loo diro Culimadda, Salaadiinta, Aqoonyahanka iyo cidkaste oo waxgarad ah wuu noqdo ciidanku xalka ugu dambeeya. Sababto ah marka uu bilays meel taggo waa la sii cartamayaa oo halkaas bay dhibaatadu ka bilaabmata. Nasiibdarro waxay noqotay in ciidamadeenni bilaysku dhallinyaradda xabadeeyaan.”

“Taliyayaashii ciidamadu intay Telefishinka soo fadhiisteen ayay ka hanjabeen, miyaanay ogayn in dadkan ay u hanjabayaan yihiin ciidankan ay ku hanjabayaan carruurtoodii iyo dumarkoodii. Ciidanka Qaranku maaha in Taliyahooggu ka hanjabo Telefishinka, shaqadiisa distuuriga ah waxay tahay xuduudaha inuu ku ekaado, gudaha bilayska ayaa gudaha ku shaqo leh, dadka uu ku hanjaba waa cashuurtii ay bixiyeen. Miyaannu oggayn ciidan millater ah iyo qalabkoodii wixii ay hargeysa ka geysteen Siyaad Barre, maaha inuu taliyuhu halka ka soo hanjabo.” Sidaa ayuu yidhi Dhoolayare.

Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare, waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye doorashada Fasahaadiyey, waxaanu yidhi; “Halkan waxa ka dhacay Doorasho fasahaad ah oo Kulmiye fasahaadiyay. Masuuliyadda waxa iska leh Komishanka doorashooyinka oo la dhaariyay oo waraaqo foojiri ah baa la sheegayaa oo aan annigu arkay oo la soo bandhigay, waxa la sheegayaa innuu khaladaad badan dhacay waxa hubaal ah in bilaysku kulmiye u xaglinayay oo muraaqibiin badan laga saaray goobahoodii, maxaa loo arki waayay muraaqib kulmiye ah oo goobta laga saaray.” 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.