“Saleebaanoow Adiga iyo Walaalkay Siilaanyo Waxaan idin leeyahay Somaliland yey Gacantiinna Ku Guban..” Siyaasi Daahir Warsame

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE SALEEBAAN-GAAL PHOTO GOOGLE

“Walaal Madaxweyne Waxaan ku leeyahay halkeeda ugu gal, Caddaaladda u hiili oo nabadda iyo dalkaba badbaadi oo Magicii aynu dunida ka helnay iyo Dalka Afar Inan iyo Saddex Inan yaanay gubin..” Siilaanyo Habar-wadaaggii Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE SALEEBAAN-GAAL PHOTO GOOGLE

Burco(Aftahannews):- Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf oo ka mid ahaa Halgamayaashii SNM, isla markaana ay Habro-wadaag yihiin Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Baaq Waayeelnimo iyo Mid Walaalnimo u diray Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ugu baaqay maaddaama oo ay joogaan labadii Boos ee u sarreeyey dalka inaanay Somaliland Maanta gacantooda ku guban.

SIYAASI DAAHIR WARSAME YUUSUF OO WALAALKII SIILAANYO IYO SALEEBAAN-GAAL BAAQ CULUS U DIRAY 2017

Waxa uu Siyaasi Daahir Warsame Sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Siyaasiyiin kale iyo Xubno Madax-dhaqameed ahi shalay ku wada qabteen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu sheegay Daahir in loo baahan yahay in Dalka midnimadiisa, karaamadiisa, sumcaddiisa iyo nabadgelyadiisa looga habran Afar Inan oo Duullaan ku ah ama wax u dhimaya, waxaanu Siilaanyo iyo Saleebaan u soo jeediyey inay magac iyo maamuuskooda ilaashadaan, dalka iyo dadkana ilaaliyaan oo aan cid gaar ah loo dhibaataynin Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

“Komishan baa hawshii gacanta ku haya, toddoba Qof oo innaga dhashay weeye, lixdaa Nin iyo Inantaasiba Xurmay innaga mudan yihiin, laakiin Hawsha maanta hortaalla waxaad mooddaa hawshii inay ka adkaan waayeen oo ay meel xun la marayso maanta.” Sidaa ayuu yidhi Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf oo la hadlayey, kana hadlayey xaaladda Guddiga doorashooyinka Somaliland ee wakhtigan iyo masuuliyadda saaran oo uu ugu baaqay inay si cadaalad iyo Allaah kacbsi leh u gutaan waajibkooda.

Waxa uu Daahir Warsame si gaar ah ula hadlay Habarwadaaggii Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi; “Waxaan la hadlayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xilka haya Walaalkay Axmed-Siilaanyo, Illaahay waxaan kaaga baryayaa inaad si caafimaad leh oo nabadgelyo leh oo guul leh ku dhammaysato. Waxaad maanta ku jirtaa xaalad wakhtigaagu gebogabo yahay, Maamulka cusub baad sugaysaa inaad xilka ku wareejiso, Bi’I waa Walaalo ee waxaan ku leeyahay yey Gacantaada maanta ku burburin Somaliland. Waxaan ku leeyahay Walaal ka dhabee Dardaarankii Walaalkeen Daahir Rayaale Kaahin ku siiyey maalintuu xilka kugu wareejinayey ee uu ku lahaa, waxaan kugu wareejiyey Dal midaysan, Dal midaysan, Maamul shaqaynaya iyo Dal nabad ah. Illaahay baan kugu dhaarshee maanta afartaa Qodob oo buuxa Maamulka ku wareeji, waxaan ku leeyahay halkeeda ugu gal, Caddaaladda u hiili oo nabadda iyo dalka badbaadi oo Magicii aynu dunida ka helnay ha innaga qaadina oo Afar Inan iyo Saddex Inan yaanay Dalka gubin.”

Sidoo kale, Daahir Warsame oo la wadahadlaya Salabeen-gaal iyo Axmed-Siilaanyo, waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay Saaxiibkay Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna ehelkay ah oo Raggii aannu soo wada halgannay ah, labadii Boos ee u sarreeyey Dalka ayaad joogtaan, yaanay Maanta Saleebaanoow Adiga iyo Siilaanyo Gacantiinna ku guban Somaliland.”

SIYAASIYIIN IYO CUQAAL BURCO KA HADLAY OO BAAQ U DIRAY GUDDIGA DOORASHADA IYO MADAXDA SOMALILAND 2017

Sidoo kale, waxaa iyaguna Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Siyaasi Maxamed Cabdi Halac,  Jiif Caaqil Aadan Maxamed Nuur iyo Jiif Caaqil Siciid Maxamed Martiilaq, kuwaas oo Guddiga doorashooyinka ugu baaqay Dhex-dhexaadnimo, Cadaalad iyo inay waxa dhib u keeni kara Somaliland ka dhawraan oo aanay gacantooda ku burburin, isla markaana Codkii Xalaasha ahaa ee Shacabka Somaliland dhiibteen doorashadii madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka qabsoontay ka ilaaliyaan Codad Xaaraan ku gala oo qalloociya Tacabka Ummadda Somaliland iyo Himiladooda iyo halka Hal-beeggoodu inta badan maray oo ay ka dhawraan qallooc iyo eex.

Xigasho Wargeysa Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.