Taliye Boolis oo Ku-xigeenkiisii Ku Dhex-toogtay Shir Nabadgelyada Lagaga Tashanayo

TALIYAHA BOOLISKA PUNTLAND OO KU-XIGEENKIISII TOOGTAY 2017

Garoowe(Aftahannews):- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya Bile Faarax Cali, ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday Taliyaha Booliska Puntland Cabdiqadir Shire Faarax (Ereg). Rasaastaas oo la sheegay inuu ku waday Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdillaahi Faraweyne.

TALIYAHA BOOLISKA PUNTLAND OO KU-XIGEENKIISII TOOGTAY 2017

Xabbadda haleeshay Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Xalay, ayaa kaga dhacday jilibka. Wararka, ayaa sheegay in gacan-ka-hadal dhexmaray Taliyaha iyo Guddoomiyaha ay sababtay in Taliyuhu uu Baastoolad uu watay la baxo oo rasaas ku furo Guddoomiyaha.

Ruux goob-jooge ah, ayaa u sheegay VOA in shaqaaqadan ay ka dhacday Shir dhinaca Amniga lagaga hadlayey oo ka dhacay Huteel ku yaalla magaalada Garowwe. Shirkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo Ku-xigeenkiisa, gobolka Nugaal iyo Taliyaha La-dagaallanka Argagixisada Puntland. Labadan Mas’uul, ayaa isku qabsaday Mas’uuliyadda Amniga gobolka Nugaal gaar ahaan Ciidanka Amniga gudihiisa.

Taliyaha Booliiska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg), ayaa dhawaan waxa Shaqadiisa dib ugu celiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaddib xil-ka-qaadis u hore ugu sameyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey.

Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii sidan oo kale gacan-ka-hadal dhexmaray Saraakiil Booliska Puntland ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay Wasiirkii Amniga Puntland ee xilligaas Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.