Golaha Dawlad-goboleedyada Soomaaliya oo Eedaymo Culus u Jeediyey Xukuumadda Federaalka, kana Hadlay Xasuuqii Muqdisho

MADAXWEYNEYAASHA MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA 2017 OO EEDAYMO U JEEDIYEY DAWLADDA FEDERAALKA .jpg

Muqdisho(Aftahannews):- Golaha Iskaashiga Dawlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya, ayaa War-murtiyeed 8 Qodob ka kooban ka soo saaray Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed lagula kacay ee 14-kii bishan aynu ku jirno ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda, waxaanay Xukuumadda Federaalka ku eedeeyeen masuuliyad-darro iyo inay fara-ku-haynta amniga Bulshada kaga mashquushay faro-gelinta qaawan ee ay ku hayso burburinta Maamul-goboleedyada, sida War-murtiyeedka lagu sheegay.

MADAXWEYNEYAASHA MAAMUL-GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA 2017 OO EEDAYMO U JEEDIYEY DAWLADDA FEDERAALKA .jpg

War-Murtiyeedka ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dawlad-goboleedyada Soomaaliya Sabtidii Maanta, ayaa lagu canaantay Dawladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xukuumadda talada haysa ee Raysal-wasaare Khayre.

Waxa Goluhu Walaac ka muujiyey qorshaha Xukuumadda dhexe Miisaaniyadda Amniga ee Maamul-goboleedyada ugu leexisay arrimo siyaasadeed iyo inay Beelaha iyo Xildhibaannada Maamul-goboleedyada ku laaluushto iyo culays iyo burbur soo foodsaaray hannaanka Federaalka Soomaaliya, sida War-murtiyeedkan Golaha Iskaashiga Dawlad-goboleedyada lagu sheegay.

War-Murtiyeedka Golaha Iskaashiga Dawlad-goboleedyada Soomaaliya, waxa uu Qoraalkiisa oo dhammaystiran oo Aftahannews.com ka mid noqday Warbaahinta heshay u dhignaa sidatan:-

“Iyadoo laga duulayo xasuuqii ka dhacay Muqdisho 14kii bishaan oo in ka badan 300 qofood oo rayad ah oo aan waxba galabsanin lagu xasuuqay islamarkaana in ka badan 300 kalana lagu dhaawacay iyo saameynta ay tani ku yeelatey arimaha amniga iyo siyaasadda dalka; ayey Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, Soomaaliya waxay soo saareen war murtiyeedkan:-

  1. Golaha Iskaashiga wuxuu umada Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tiiranyada ka dhalatey xasuuqii ka dhacay Caasimada Muqdisho, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan eheldii, qaraabadii iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed, inta dhimateyna waxay ilaahay uga baryayaan in janadiisa ugu deeqo inta dhawaca ahna cafimaad deg dega siiyo.
  2. Wuxuu Goluhu mahad celin balaaran u jeedinayaa dhamman dadka Soomaaliyeed, Wadamada iyo Ha’adaha ka qayb qaatey gurmadka qaran ee loo fidinayo dadkii wax yeeladu ka soo gaartey musiibadii qaran ee ka dhacday caasimada Muqdisho. Golaha iyo xubnahiisuba waxaa ka go’an in ay laban laaban gurmadka qaran ee lagu taageerayo dadkii waxyeeladu ka soo qaartey xasuuqa.
  3. Wuxuu Goluhu ku tilmaamay musiibadan mid aan dadka soomaaliyeed aqbali karin inaan ilaa iyo hadda waxii dhacay aysan cidina masuuliyad daradeeda qaadin, taas oo loo qaadan karo in markii horeba aysan cidina masuuliyadaas haynin.
  4. Wuxuu Goluhu nasiib daro weyn ku tilmaamay in wali xukuumada dhexe ka mashquulsantahay arimihii amniga oo ay xooga saareyso siyaasado dadka iyo dalka lagu sii kala fogeynayo taas oo fursado dheeri ah siinaysa kuwa caadeystey in ay dadk Soomaaliyeed maalin walba xasuuqaan, maadaama aysan muuqanin wax muujinaya in ay jiraan qorsheyaal iyo diyaar garow lagaga hortagayo ama lagu yareynayo ficilada noocaan oo kale ah.
  5. Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa qorshaha xukuumada dhexe ee ay miisaaniyadii amniga iyo tii Dowlad Goboleedyada loogu tala galay ugu leexisay arimo siyaasadeed; ayadoo loo isticmaalayo in beelaha iyo xildhibaanada lagaga hor keenayo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada; taas oo ujeedada ka danbaysaana tahay in isbadal lagu sameeyo hogaamada Dowlad Goboleedayda si sharci daro ah kadibna meesha laga saaro hannaankii Federalynta.
  6. Wuxuu Goluhu uga digayaa xukuumada dhexe fara galinta qaawan ee ay ku hayso Dowlad Goboleedyada waxaana cad in masuulayada waxii dhib ah ee ka dhasha isku dayga xukumada dhexe hogaaminayso ee xilka loogaga qaadayo sida sharci darada ah Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ay masuuliyadeeda qaadi doonto Xukumada dhexe.
  7. Waxaa cad in hannaanka faderalaynta ay soo wajahday khatar dhab ah oo keeni karta in dib loogu noqdo deganaasho la’aan siyaasadeed iyo mid amni daro, sidaas darteed waxuu Guluhu ugu baaqayaa Xukuumad dhexe in ay ka fogaato wax kasta oo sii murginaya xaalada siyaasadeed ee cakiran islamarkaana u jeedsadaan xoojinta aminga, dib u heshiisiinta iyo horumarinta Federalaynta.
  8. Ugu danbayn wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la isugu yimaado wadatashi si looga hortago in khalkhal siyaasadeed iyo mid amni daro uu dalka ka dhaco.”

Sidoo kale, waxa Qodobbada War-Murtiyeedkaas oo ka koobnaa 8 Qodob, dhammaantood u qornaayeen Sidan Sawir ahaanta ugu muuqata Qoraal-Sawirka uu soo saaray Sabtidii Maanta Golahaasi, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxaad ka daalan kartaa Shax-qoraalkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.