Wakiilkii Somaliland U Fadhiyay Dalka Australia Oo Xilkii Iska Casilay

ISCASILAAD  IYO XIL WAREEJIN.

Anigoo magacaygu yahay Amb. Mohamed Ismail Hussein oo ku magac dheer (Ambassador Balishire). Waxaan ugu horeyn aan halkan si kal iyo lab ah uga mahadnaqayaa. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane, H.E. Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo” oo igu sharfay iguna maamuusay isla markaasna ii igmaday xilkan ah in aan ahaado Safiirka Somaliland ee dalweynaha Ustareeliya (Australia)..

 

Amb. Balishire

 

Hadaba markii aan arkay xaalada qaawan ee cakiran ee maanta dalkeeni hooyo ku sugan yahay, oo xaqiiqdii u baahan in dalkan si dhab ah loo badbaadiyo, haday noqoto dhan Caafimaad, Waxbarasho, Sixirbarar, Horumar, Dhan-Dhaqaale, Dhan-bulsho, Amni-daro, Shaqo la’aan, Siyaasad la’aan, Ictiraaf la’aan, tahriib iyo mustaqbal la’aan.

Markaan arkay fashilka murugada leh ee ku habsaday wasaaradii Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland. Iyo aqoonsi raadiskii Jamhuuriyada Somaliland oo gebi ahaanba hawada-sare ka baxay.

 

Hadaba sidaas daraadeed waxaan maanta oo bishu tahay Arbaca, 18 October 2017. Aan halkan ka cadaynayaa in aan iska casilay xilkii safiirnimo ee aan u hayey Dawlada Somaliland. Isla markaasna aan ku biiri doono xisbiga is bedel doonka ah ee Wadani. Anigoo wixii aqoon, fikir, talo iyo tusaale ahba aan ku biirin doono xisbigaas isaga ah.

 

“Finally, for the sake of this nation (Somaliland). I profoundly and wholeheartedly believe the fact that this nation desperately and immensely needs to be saved from this brutal, undesirable, merciless and totally unbearable and completely unbelievable group, far more worse and dangerous than the internationally known deadly Italian Mafia Groups.”