Qoysas Wali Raadinaya Raqda Iyo Ruuxda Dadkoodii

Muqdisho(Aftahannews)-Bog Facebook laga sameeyay ayaa gacan ka gaysanaya in la aqoonsado dadka la dilay iyo kuwa wali lagu la ya’yahay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhaca muddo toban sano ka badan.

 

_98356778_composite

 

Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa burburiyay huteello, xafiisyo dawladeed iyo maqaaxiyo ku dhisnaa hareeraha isgoys mashquul badan oo ku yaalla Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 281 ruux, waxanaa ku dhaawacmay 300 oo ruux oo kale.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la daalaadhacaysa in ay aqoonsato dadka dhintay – arrintaas oo horseeday in aysan macluumaad ku filan helin qaraabada ehelkooda baadigoobaya.

Koox dhallinyaro ah ayaa samaysay Facebook ciwaankiisu yahay, Gurmad252 iyaga oo sawirrada dadka la la’yahay soo dhigaya, lacagana u aruurinaya dadka ay waxyeeladu soo gaadhay.

Sawirrada ay soo dhigayaan waxaa la socda waxbixinno kooban oo ay ka mid yihiin meeshii ugu dambaysay ee lagu arkay ruuxa la la’yahay iyo lambar la waco haddii wax xog ah laga helo.

Kooxdan oo sidoo kale taageero ka helay dawladdaSoomaaliya ayaa sidoo kale soo qoraya magacyada dadka lagu daweeyay Cisbitaalka.

Waxay u muuqata in aysan macquul ahayn in la wada aqoonsado dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho ee 14kii Oktoobar, laakiin intan ayaan ilaaa iyo hadda haynaa.

Maryam CabdullaahiMaryam Cabdullaahi oo 25 jir ah ayaa ahayd ardayad caafimaad ka baratay Jaamacadda Banaadir ee Magaaalada Muqdisho, waxayna u diyaargaroobaysay in ay qalin jabiso Axaddii.

Aabeheed oo UK ku noola ayaa Muqdisho u safray si uu uga qaybgalo qalinjabinteeda, balse taas badalkeeda aaskeeda ayuu ka qaybgalay.

Anfac Cabdullahi Maxamed oo la dhalatay Maryam ayaa tidhi, “Lambarkeeda ayaan wacay, markii koobaad waa la iga qaban waayay, waan ku celiyay, wiil baa iga qabtay, wuxuuna igu yidhi Alle ha u naxariisto gabadhii lambarkan lahayd waa mayd waxayna taallaa hotel ku yaalla Soobe hortiisa.”

“Qoyska aad buu uga murugooday. Aniga waxaa murugada iiga daran waalidkeyga; aabe iyo hooyo. Alle qalbigooda ha u wanaajiyo,” ayey tidhi Anfac Cabdullahi.

“Aaabe wuu soo socday, wuxuu deganaa Britain Maanta ayuu ku soo beegnaa in uu Xamar ka soo dego, laakiin maysan dhicin in uu nolol ugu yimaado ee geerideeda ayuu ku soo beegmay, gacmihiisa ayuuna ku soo aasay,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac.

“Maryam waxay ahayd qof ku deyasho mudan oo dadaalkeeda iyo howlkarnimadeeda ay ku beereen in ay jeclaato in ay dadka caawiso,” ayey sheegtay Anfac.

Maryam waxay ka shaqeyneysa cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna shaqo bilowday intii ay jaamacadda dhiganeysay.

“Waxay qorsheyneysay in ay bilowdo tababar ku saabsan takhasuska Hooyada iyo Dhallaanka iyo qalliinka la xidhiidha. Waxay dooneysay in ay bilowdo ka dib xafladda qalinjebinteeda. waxay ahayd qof hammi leh,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac oo la dhalatay Maryam Cabdullaahi.

Faa’iso Xasan Cali: Waa la la’yahayFaa’iso Xasan Cali oo 24 jir ah ayaa dukaan ku ag lahayd Huteelka Safari oo qaraxu burburiyay

Dukaankeeda oo la dhihi jiray “Maamo Xaliimo” ayaa gabi ahaanba burburay

Qoyskeeda ayaa baadigoobaya ilaa Sabtidii markuu qaraxu dhacay

Cumar Xaaji Maxamed waxaa ka maqan wiil iyo gabadh

Cumar Xaaji Axmed ayaa raadinaya xog ku saabsan labo ka mid ah carruurtiisa oo gabadh iyo wiil kala ah, kuwaas oo loo malaynayo in ay qaraxa ku dhinteen.

Waxay ku sugnaayeen dukaan uu qoysku leeyahay oo ku yaalay Soobe, halkaas oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay, markaas ka dibna indha lama saarin.

Cumar ayaa ku wareegaya isbitaallada iyo xarrumaha dadka lagu caawinayo, laakiin dadka dhaawaca ah kuma uusan arkin.

Sulayman Nuur Cali: waa la la’yahaySulaymaan Nuur Cali oo 29 jir ah wuxuu rakaabka saari jiray gawaadhida dadwaynaha, Sabtidiina shaqada ayuu ka waday Soobe.

Tan iyo markii uu weerarku dhacay wax war ah lagama helin.

Qoyskiisa ayaa fariintan soo gudbiyay “Fadlan nala soo xidhiidh haddii aad geeri ama nolol ku ogtahay”

Bureeqa Cabdullaahi Aadam: waa la la’yahayBureeqo Cabdullaahi Aadan oo 17 jir ah ayaa la ogaa in ay bas ku safraysay marka uu qaraxu dhacay.

Qoyskeeduna wuxuu dalbanayaa wax macluumaad ah oo ku saabsan

Asad Cabdi Abiid: waa la la’yahayAsad Cabdi Abiid ayaa isna markii u dambaysay lagu arka Soobe, goobtaas oo u dhaw xarrunta sirdoonka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Qoyskiisa ayaan wax war ah ka helin tan iyo Sabtidii

Madaxa gawaaadhida gurmadka degdegga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraaan 15  ciyaal iskuul ah.

Cabdulqaadir Adam ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay carruurtu saarnaayeen baskii iskuulka marka uu qaraxu dhacay.

Iyadoo badhtanka lagaga jiro waxaas oo murugo ah Gurmad 252 ayaa helay war wanaagsan, gabadh yar oo la sheegay in la la’yahay ayaana la helay iyada oo nool.