Hargeysa: Munaasabad lagu Furayey Sannad-dugsiyeedka 2017/2018 ee Dusgiga Sare ee Al-irshaad iyo Masuuliyiin ka qaybgalay – Sawirro

FURISTA XAFLADDA DUGSIYADA SARE EE AL-IRSHAAD EE SANNAD DUG-SIYEEDKA 2017-2018

Hargeysa(Aftahannews):- Xafladd ballaadhan oo lagu maamuusayey furitaanka sanad dugsiyeedka 2017-2018 ka ee Al-irshaad ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, munaasibaddii furitaanka xafladdaasi oo si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay maamulka sare, macalimiinta,waalidiinta iyo ardayda faraha badan ee dugsigaasi.

FURISTA XAFLADDA DUGSIYADA SARE EE AL-IRSHAAD EE SANNAD DUG-SIYEEDKA 2017-2018

Dhanka kalana xafladdaasi waxaa lagu soo casuumay masuuliyiin ka socday hay’adaha xukuumadda sida wasiirro, xildhibaanno, dad magac ku leh bulshada dhexdeeda sida Xaashi Muuse oo   laba jeer soo noqday Maayarkii Hargeysa xiligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre,wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” wasiir ku xigeenada ciyaaraha iyo dhaqanka iyo dalxiiska yo marfti-sharafkale.

Furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee xafladan loo qabtay Cabdiraxiim Xuseen Xaaji Daahir-waxaanu ka warramay muhiimadda waxbarada iyo sida ay ka School ahaan ugu taaganyihiin tubtii ay wasaaradda waxbarashada Somaliland u jeexday tayada waxbarashada iyo sidookale wakhtigii loogu talogalay ee 4 sano ahaa ee dugsigasare in wax lagu babro ardayda halka uu sheegay inay jiraan dugsiyo-sare oo aan wakhtigii waxbarashada loo asteeyey inay ku dhigaan dugsiyada sare ka hoosaydiisyey isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “waxaajira dugsiyo-sare oo forum four-kii iyo forum three-gii iskaga dhigay 1 sano oo kaliya”

Mr Cabdiraxiim Xuseen Xaaji Daahird waxa uu ka hadlay dhinaca akhlaaqda iyo sida ay ardaydooda ugu kormeeraan I nay akhlaaqdaas ilaaliyaan “ka school ahaan waxaanu soo iibsanay cagaf-cagaf aanu timaha kagajarro kuwa  sida dhaqan xumada ah u soo xiirta” ayuu yidhi maamulaha dugsiga sare ee Al-irshaad’

Waxaa isna halkaa ka hadlay Maayarkii-hore ee Hargeysa xiligii Maxamed Siyaad Barre Xaashi Muuse waxaanu ka hadlay kaalinta  uu waxbaashada  kaga jiro dugsiga  dusigasare ee Al-irshaad “waxaan ogahay inaad markastaba ugu horeysaan schoolada  haddana ugu horeeya waligiin inshaa Allaah” ayuu yidhi Xaashi Muuse.

Maayarkiihore waxa uu ardayda kula dardaarmay inay ka tanaasulaan xidhashada dharka muujinaya dhaqan xumada gaar ahaan wiilasha oo ku caanbaxay inay soo xidhaan saraawiil yaryar oo ku cidhiidhi ah oo muuninaya cawradooda “maamulka iyo macalimiintan wanaagsan ee laga sheekeeyey waxaan idin leeyahay hadaad sheegteen inaad cagaf-cagaf kaga xiirtaan kuwa la baax timaha dhaqan xumada ah saraawiisha dhuudhuuban ee ay isku dhajiyeena dee adeer ka saara waa fool-xumee” ayuu yidhi Xaashi Muuse.

Ku xigeenka xafiiska imtixaanaadka Xasan Qalinle oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu halkaa ka soo jeediyey gabayo cajiib ahaa oo soo jiitay dareenka iyo jawigii madasha kaasoo ahaa mid kuu ku cabbirayey maansadiisa dhinaca tacliinta isagoo maadooyinka sayniska kaga gabyey aqoontiisa sida Biology-ga Chemistry-ga xisbaabaadka iyo qaarkale.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Badar Mubaarak Ibraahim Aar waxaanu ka hadlay kaalita ay ardaydu ka qaadan karaaan masuuliyaddooda mustaqbalka  isagoo ku boorriyey inay ka shaqaysiiyaan masxkadooda “waxaad arkaysaa arday 12 sano wax la soo barayey oo markuu jaamacaddii soo gaadhay ku dhacay imtixaankii ugu horeeyey oo waxba wadiwaayey” ayuu yidhi Mubaarak waxaanu sidookale ardayda u sheegay inay lebiskooda iyo nadaafaddodaba ilaaliyaan  “ardayeey waaa inaad subaxdii eegtaan lebskiina iyo nadaafadiina waana  inaad isku daydaan inaad horey su soo xaadirtaan class-ka waayo ardayga xafiirka ahi wuxuu ku dadaalaa inuu xagga hore fadhiisto” ayuu yidhi.

“waa inaad macalinka waydiisaa su’aalkasta oo aad garan waydaa intaad class-ka fadhido” ayuu  yidhi waxaanu intaaa sii raaciyey “markaad guriga ku noqotaan waa inaad muraajcaysaan  duruustii laydiin soo dhigay” ayuu yidhi Mubaarak Ibraahim Aar “runtii waxaan idinku adkaynayaa inaad arrimahaa aan idiin soo sheegay ku dadaashaan waxaana ugu mumhiimsan inaad fahantaan cashirkii uu macalnku idiin soo dhigay markaad guriga tagtaana aad ka shaqaysaa intaad guryaha joogtaan oo aad maskaxdiina shiishaan” ayuu yidhi Muraabar.

Waxaa isna madashaasi ka hadlay wasiirka xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” wawaanu ha hadlay arrimaha la xidhiidha akhlaaqda wanaasgan ee ardayga laga rabo isagoo oday Xaashi Muuse ku taageeray eraydiisii uu kaga hadlay dhaqan xumada iyo ardaynimada waxaanu yidhi “ oday Xaashi Muuse waxaan ku  ku raacsanahay taladii iyo waanadii wacnayd ee uu idin siiyey inaad la timaadaan” ayuu yidhi wasiir Cukuse. Mr Cukuse waxa uu ardayda ku adkeeyey inaanay ku dayan kuwa sida xun-xun wax u wada ee ay ka daawadaan filimada “waxaan idiin sheegayaa inaydaan ku dayan kuwa aad filimada xun-xunka ah ka daawanaysaan lebiskooda iyo sida ay timaha u xiirtaan ama akhlaaqdooda liidata” ayuu yidhi Cukuse.“Xaashi Muuse Markuu maayrka Hargeya ahaa anna waxaan sidiina oo kale ahaa arday waxaanan kamid ahaa kuwii sidiinan oo kale laga xiirijiray timaha ee saraawiishii waaweynaa ee balaq-balaqa ahaa laga saarijiray” ayuu yidhi Mr Cukuse.

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Maxamed Cabdiraxmaan Axmed oo ku hadlayey magaca ardayda Al-irshaad ee dusgsiga sare ee loo xafladaynayey waxaanu ka warbixiyey tayada macalimiintooda wax u dhiga oo sida uu sheegay ah qaar ku sifoobay aqoon iyo asluub-wanaagg isla markaana ku yimid Schoolka imtixaan laga soo qaaday oo iyo tababarkii macalimiinta oo ay soo dhamaysteen “macalimiintayada Al-irshaad waa kuwo ku sifoobay aqoon iyo dhaqan wanaaggsan waxaanay soo wada mareen imtixaankii wasaaradda iyo tababarkii macalimiinta” ayuu yidhi ardaygaasi Cabdiraxmaaan Maxamed oo si weyn khudbadiisii u raali geisay daawadayaashii madasha soo camiray ee kaladuwanaa.

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Suldaan Aadan Xasan oo ku hadlayey magaca waalidiinta iyo kan dhaqankaba waxaanu xusay kaalintnii uu ku lahaa aas aaskiihore ee Al-irshaad waxaanu tilmaamay inuu kamid ahaa dadkiihore ee wax ka aas aasay Al-irshaad “Xaashi Muuse Haduu yidhi anigaa xaadh-xaadhay oo bixiyey dhulkii ugu horeeyey ee Al-irshaad aniguna waxaan kamid ahaa aas aasayaashii Al-irshaad ee ka soo bilaabay isagoo zero ah maantana ilaahay mahaddiisa 3 dii qayboodba wuu leeyahay (sare, dhexe iyo hoose) imtixaankii sanadkana waxaa u fadhiisatay 14000 oo ka mida Al-irshaad” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha  Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo isaguna kamida saaxiibada Al-irshaad waxa uu ka hadlay dhanka akhlaaqda iyo araydaasi siday macalimiintood iyo  maamulkaba u xurmeeyaan, sidookale waxa uu sheegay wasiir ku xigeenkaasi inay ardaydu ilaaliyaan xagga nabadgaliyada maadaama uu dalku doorasho-galayo “mustaqbalkiina yaanay cid dano gaara doonaysaa idinkaga faa’iidaysan” ayuu yidhi Mr Rashiid.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Shucayb Cabdiraxaan  oo ah nin yar oo Abwaan ah waxaanu halkaa ka tiriyey gabayo laabta salaaxay oo indha iyo dhagahaba loo taagay kuwaasoo uu sheegay inuu ku dul tiriyey isagoo saaran buurta dheer ee Gacan-libaax waxaana la arkayey daawadayaashii madashaasi oo dhagaha la sii raacaya dhegeysiga gabayadaasi uu tirinayey Abwaankaasi da’dayar oo kamida Ardayda Al-irshaad ee dugsiyada sare.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Caaqil Rashiid  Maxamed Jaambiir oo kamida dadka sida gaar ah ula shaqeeya Al-irshaad waxaanu tixraacay ardayadii oo soo qaatay ardaygii ku hadlayey magaca Schoolla Cabdiraxmaan Maxamed kaa soo soo jeediyey khudbad aanu warqad ku soo qoran balse uu dusha ka akhrinayey “aniga maanta waxaaa si gaara ii soo jiitay ardaygii yaraa ee ku hadlayey afka ardayda ee khudbadiisa sidii aad arkayseen dusha ka akhrinayey isagoo aanay is lahayn da’diisa oo yarayd iyo maskaxdiisii cajiibka ahayd waayo Madaxweynayaashu sidaas oo kale uma khudbeeyaan” ayuu yidhi Sudlaan Rashiid Jaambiir.

“gaaladu waxay yidhaadaan ninkaasi waxaas iyo waxaasuu ahaanjiray aniguna wiilkaayar ee halkaa ka hadlay Adeer baan u ahay waxaanan kula dardaarmayaa wiilkaa oo aan leeyahay adeer inaad higsato inaad mustaqbalka noqoto Madaxweyne oo aan aniguna idhaado ninkaa Madaxweynaha ah isagoo wiilyar ah oo forum four-ka kujira ayaan ku dhiirigeliyey inuu Madaxweyne noqdo ku dadaal” ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jaabmiir.

waxaa iyana halkaa ka hadashay  Rooda Xasan Shaqale oo iyana ku hadlaysay magaca ardayda dusgsiga sare waxaanay sheegtay inay kamid ahayd ardaydii la soo bilwday waxbarashada Schoolkaasi waxaanay ardayda kala hadashay waxbarashadooda iyo talaabooyinka la gudboon “3 maaddo ee aan kaga duwannay ardayda kale waa 3 daas  maaddo ee Sceice-ka ah ee aynu fursadda u hellay” ayey tidhi Ms Rooda waxaanay xustay inay ardaydu ku dadaalaan ka faa’iiidaysiga  xafiiska kutubta “libreray” waxaan idiin sheegayaa intiinaa halkaa soo fadhiyaa inuu midkiin waliba leeyahay awood gaara oo aad aduunka wax ku soo kordhinkartaan waayo waxaatihiin  shakhsiyaad kaladuwan oo aanu midna kan kale lamida ahayn” ayey tidhi Ms Rooda.

Sidookale Ms Rooda waxay saaxiibadeeda Al-irshaad ku dhiirrigelisay inaysan xiisadahooda jarin taasoo aan lafahooda oo kaliya khasaare ku hayan balse khasaare kale ku ah ardayda kale ee ay wax wada dhiganayaan  “ogaw maalintaad xiisadda jarto ee aad class kaaga ka maqnaato waa maalinta ay waxbadani dhacaan oo khasaare ku ah adiga iyo ardayda kale ee aad la fadiisanjirtayba” ayey tidhi Ms Rooda.

Waxaa iyana halka ka hadashay  Hooyo Ubaxa Yuusuf Maxamed oo kamid ah waaldiinta ay caruurtoodu dhigato dugsiga sare ee Al-irshaad waxaanay u mahad celisay maamulka iyo macalimiinta sharafta leh ee soo saaray ardaydan qiimahabadan ee loo xafladaynayey  waxaanay halkaa ka soo jeedisay kelmado ay u jeedisay maamulka ,macalimiinta, waalidiinta iyo ardaydaba waxaanay tidhi “macalimiineey ardaydaa qiimaha badan ee aad maanta halkaa soo gaadhsiiseen waa inaad nagula sii dadaashaan mustaqbalkooda sidii ay ku dhamaysan lahaayeen” ayey tidhi hooyo Ubax.

“ardayey mustaqbalkii dalka ayaatihiin waxaanan idin leeyahay inaad ilaalisaan akhlaaqdiina iyo asluubtiina” ayey tidhi waxaanay intaa sii raacissay “wiilasha iyo habluhuba waa caruurtaydii oo hooyaan ahay laakiin dee Somalidu waxay tidhaadaa Gabadhi waa hooyadeed oo xagga gadhaha ayaa garabka saarayaa waxaanan la jiraa hablaha  waxaanan halow idin leeyahay dadaala oo wiilasha la tartama” ayey tidhi  hooyo Ubax waxaanay sheegtay inay hablaha wakhtigani haystaan fursado ka wanaagsan kuwii ay wax ku baranjireen xiligeedii ay ardayadda soo ahayd iyadu “hablow waxaad haysataan furasd aanaan haysan wakhtigii aanu waxbaranjirray waayo gabadhiiba laba wiil baa  lakala dhexfadhiisinjiray balse idinku  maannta waad wada xijaabantihiin ee fursaddaa ogaada” ayey tidhi Hooyo Ubax.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Dugsiyada Maxamed Aadan Askar waxaanu is kooban uga warbxiyey kaalinta ay dadka qaarkood ugu xisaabsanyihiin sida  Maayrkiihore ee Hargeysa Oday Xaashi Muuse isla markaana kamida waalidka ugu firfircoon iyo tiirarka uu ku  taagan yahay Al-irshaad waxaanu xusay goob iyo goor ay xaaladdu ku adkayd Al-irshaad inuu kala soo dabaashay marxalado adagg oo aanu ka soo gudbeen isaga la’aantiisa isla markaana uu kamid yahay waalidka sida gaarka ah u ga warhaya duruufaha Schoolka hadba sida ay yihiin isagoo arrimahaa ka hadlayena waxaa hadalladiisii kamid ahaa “dad badan baa iga mudan maanta inaan u mahad celiyo balse waxaan si gaar ah u xusayaa Xaashi Muuse oo isaga la’aantii aanaan maanta halkan soo gaadhneen”

Maamulaha guud ee dugsiyada Al-irshaad waxaakale oo xusay kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu Caaqir Rashiid ka soo qaatay suurto galinta in la helo dhulkaa Ali-irshaad dagamyahay qaybo kamida waxaanu caaqilku maamulka Dugsiyada Al-irshaad ugu qalbi qaboojiyey xili ay xaaladdu ku cakirnayd hadday xaaladda helitaanka ee dhulkaasi ku adkaato inuu sharciga gurigiiisa u rahmayo si ay dhulkaa u helaaan Al-irshaad isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa uu yidhi “runtii waxaakale oo aan isagana aad ugu mhadcelinayaa caaqil Rashiid oo dee sharciga dhulka Hargeysa waad iska garanaysaane markii ay xaaladdu nagu adkaatay aan wali sii xasuusto kalmadii uu maalintaa  yidhi waar faylka gurigaygaan soo qaadayaa  ee dhulkaa Schoolka hallasiiyo ee Schoolka dhulkaa hallasiiyo” ayuu yidhi Maamulaha guud ee dugsiyada Al-irshaad Maxamed Aadan Askar.

Gabagabadiina waxay  maamulaha guud ee dugsiyada Al-irshaad Maxamed Aadan Askar,xisaabiyaha guud ee Dugsiyada Al-irshaad Saxardiid Xuseen Cabdillaahi iyo wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo sidookale wasiir ku xigeenka dhaqanka iyo dalxiiska Mr Cabdirashiid Dhagaweyne si wadajira halkaa Abaalmarminno kaladuwan ugu gudoonsiiyeen 64 arday oo kamid ahaa kuwii kaalmaha ugu sareeya ka galay imtixaankii sanadkan 2017 ka ee dugsigasare ee Al-irshaad  iyo  kuwii sanadkan loo  aqoonaday inay ahaayeen kuwii ugu akhlaaqda wanaagsanaa Dugsigaasi oo wiilal iyo hablaba lahaa.

Diyaarinta Wararka iyo Qaadista Sawirrada Xuquuqdooda waxa iska leh Baadiya.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.