Wasiirka Diinta ee Somaliland oo Caddeeyey in Gobolka Sool laga Arkay Curashada Bisha Soon-fur (Shuwaal)

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO SHAACIYEY IN BISHA SOON-FUR LAGA ARKAY GOBOLKA SOOL EE SOMALILAND 25 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay maalinta Bari ah ku beegan tahay Munaasibadda Ciidda Barakaysan ee Ciidal-Fidri oo ay Maanta ku dhammaatay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo 29 maalmood la soo soommanaa, isla markaana Bisha Soon-fur laga arkay Somaliland.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO SHAACIYEY IN BISHA SOON-FUR LAGA ARKAY GOBOLKA SOOL EE SOMALILAND 25 JUNE 2017
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO SHAACIYEY IN BISHA SOON-FUR LAGA ARKAY GOBOLKA SOOL EE SOMALILAND 24 JUNE 2017

Wasiir Khaliil oo Caawa Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay in Deegaanka Adhi-Caddeeye oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland laga arkay Bilashada Bisha Shuwaal, taas oo caddaynaysa in Bishii Ramadaan ay ku dhammaatay 29 Maalmood.

Sidaa daraaddeed, waxa uu Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, caddeeyey in Berri la Tukan doono Salaadda Ciidal-fidriga, waxaanu Hambalyo iyo Bogaadin u diray guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Shacabka Somaliland oo uu ku hambalyeeyey Munaasibadda Ciidda, waxaanu Allaah uga beryey in Ciidda Ciiddeeda uu innagu gaadhsiiyo, Barwaaqo, Nabad, Caafimaad, Horumar iyo Wada-jir.

Markii Wasiirku ku dhawaaqay in Axadda Berri la Ciidayo, ayaa Masaajiddada Hargeysa iyo guud ahaan Dalka Somaliland laga bilaabay Takbiir ‘Allaahu Akbar..Allaahu Akbar…’       

Dhanka kale, Dalalka Qatar, Maleysia, Indonesia iyo dhowr Dal oo kale ayaa ku dhawaaqay inay berri tahay Ciid, sidaa daraaddeed, guud ahaan Shacabka Somaliland iyo Dalalka Islaamka badankooda, ayaa Axadda Berri laga Ciidayaa, isla markaana looga dareerayaa Salaadda Ciidal-fidriga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.