Nuxurka Kulan dhex-maray Farmaajo & Erdogan iyo Qodobbada Shir Jaraa’id oo ay Wada Qabteen kaga hadleen – Daawo oo Akhriso

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO TURKIGA ERDOGAN OO SHIR JARAA'ID KU WADA QABTAY ANKARA 26 APRIL 2017

Ankara(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo labada dhinacba muhiim u ah.

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO TURKIGA ERDOGAN OO SHIR JARAA'ID KU WADA QABTAY ANKARA 26 APRIL 2017
MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO TURKIGA ERDOGAN OO SHIR JARAA’ID KU WADA QABTAY ANKARA 26 APRIL 2017

Labada Madaxweyne, ayaa qaatay kulan gaar ah oo ay kaga wadahadleen xidhiidhka labada waddan, wax ka qabashada xaaladda Abaaraha Soomaaliya ka jira oo Turkigu gacan fiican oo caawimo ah si joogto ah uga geysto, arrimo la xidhiidha nabadgelyada iyo horumarka kaabayaasha Bulshada ee Soomaaliya oo iyagana uu Turkigu qaybo muhiim ah ka qaato.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa si kalgacal leh u qaabbilay Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo, iyaga oo kulan saacado socday oo ay arrimo badan oo kala duwan kaga wadahadleen ku yeeshay Madaxtooyada Turkiga ee Ankara, markii uu kulankaasi soo dhammaadayna si wada-jir ah Erdogan iyo Farmaajo ula hadleen Saxaafadda oo ay Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen ku faahfaahiyeen arrimaha ay ka wadahadleen iyo waxay isla meel-dhigeen.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dawladda Turkigu tahay Saaxiibka koowaad ee Soomaaliya leedahay ee mar walba barbar-taagan, waxaanu Madaxweyne Erdogan uga mahad-celiyey sida uu mar walba Soomaaliya u caawiyo iyo dedaallada dawladda iyo Shacabka Turkiga ay ka geystaan xaalad kasta oo la soo derista Soomaaliya laga soo bilaabo Abaarihii Macaluusha sababay ee 2011-kii ka dhacay Soomaaliya oo uu Erdogan oo markaa Raysal-waare ahaa noqday Masuulkii ugu horreeyey ee dhiggiisa ah ee dunida ka socda ee Muqdisho ka degaan isaga iyo Qoyskiisa iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsanaa oo Caawimo u siday Dadka Macaluushu ku heshay Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa geestiisa sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku faraxsan yahay, isla markaana labada dawladood ay  mar walba ka wada shaqeyn doonaan sidii horumar iyo degnaasho loo gaadhsiin lahaa Dadka iyo Dalka Soomaaliya. Waxaanu intaas ku dartay in dawladda Turkigu aanay marnaba ka daali doonin hawlaha horumarinta iyo dhismaha ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Waxaa jiri doona Heshiisyo ay labada Dawladood ee Turkiga iyo Soomaaliya kala saxeexan doonaan inta Weftiga Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Ankara iyo weliba wahadallo kale oo ay labada dhinac yeelan doonaan.

Shirka Jaraa’id ee ay wada-qabteen labada Madaxweyne ee Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya iyo Hadalladooda-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.