Gabdho Walaalo ah oo iyaga iyo Darawalkoodii oo Galabta Daad Ku Qaaday Dooxa Aw-Barkhadle

GABDHO WALAALO AH OO DAAD KU QAADAY DOOXA AWBARKHADLE EE DULEEDKA HARGEYSA 2017

Aw-Barkhadle(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Laba Gabdhood oo Walaalo ah oo la kala odhan jiray Foosiya Maxamed Yuusuf iyo Asma Maxamed Yuusuf iyo Darawalkii Gaadhiga u waday, ayaa geeriyooday, ka dib markii Gaadhi ay wateen oo nooca Surff-ta loo yaqaan ah Daad ku qaaday Dooxa Aw-Barkhadle oo dhinaca Bari kaga beegan magaalada Hargeysa, iyaga oo ka yimi dhinaca magaalada Berbera.

GABDHO WALAALO AH OO DAAD KU QAADAY DOOXA AWBARKHADLE EE DULEEDKA HARGEYSA 2017
GABDHO WALAALO AH OO DAAD KU QAADAY DOOXA AWBARKHADLE EE DULEEDKA HARGEYSA 2017

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Abbokor, ayaa u xaqiijiyey Horn Cable TV, labadaas Hablood iyo Gaadhigii ay wateenba waxaa qaaday Daad ka rogmaday Roob galabta ka da’ay deegaankaas iyo nawaaxisiigasa, isla markaana Daad badan ku rogay Dooxa Aw-Barkhadle, iyaga oo u soo socday dhinaca magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo Warbaahinta qaar la hadlayey caawa, ayaa sheegay in labada Gabdhood ee Walaalaha ah iyo Darawalkii Gaadhiga u waday-ba uu Daadku qaaday oo ay saddexdooduba halkaas ku dhinteen. Waxaanu farriin u diray Bulshada u kala gudbaysa magaalooyinka dalka inaanay isku dayin xilli roobaadka inay ka gudbaan ama dhex-maraan Dooxyo Biyo socdaan.

Warbixinta Warkaas Hablahaas uu Daadku ku qaaday Dooxa Aw-Barkhadle, waxaannu idiinku soo gudibnaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho-dhegaysi Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.