“Wasaaradda Madaxtooyada Umaan Kordhin Miisaaniyadda ee Nin Xariif ah oo Gaaban baa joogay..” Eng. Maxamed Xaashi

“Anigu Wasaaradda Madaxtooyada Umaan Kordhin Miisaaniyadda ee Nin Xariif ah oo Gaaban baa joogay..” Eng. Maxamed Xaashi

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay su’aal laga weydiiyey waxa uu u cuskaday iyo sababta uu 24%-kiiba u kordhiyey Miisaaniyadda Wasaaradda Madaxtooyada markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda Somaliland, waxaanu sheegay in aanu isagu kordhin.

“Anigu Wasaaradda Madaxtooyada Umaan Kordhin Miisaaniyadda ee Nin Xariif ah oo Gaaban baa joogay..” Eng. Maxamed Xaashi
XIRSI CALI XAAJI XASAN WASIIRKII HORE EE WASAARADDA MADAXTOOYADA

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka qaybgalay, isla markaana Khudbad ka soo jeediyey, kana jawaabay su’aalo kala duwan oo lagu weydiiyey Kulan lagu qabtay Xarunta Hidda-dhawr ee magaalada Hargeysa, kulankaas oo lagaga hadlayey Miisaaniyadda iyo ilaalinta Dhaqaalaha, isla markaana Kulan Hal-ku-dheg looga dhigay, ‘Miisaaniyadda Qaranka oo si fiican loo maamulaa waxay innaga xallin lahayd Mushaakilaad badan oo inna haysta’, ayaa lagu faaqiday arrimo la xidhiidha Dhaqaalaha iyo Qaabka ugu fiican ee loo maamuli karo Miisaaniyadda Dawladda dhexe ee Somaliland, loogana fogeyn lahaa Musuqmaasuq, sad-bursi iyo wax lunsi.

ENG. MAXAMED XAASHI CILMI
MAXAMED XAASHI CILMI WASIIRKII HORE EE MAALIYADDA

Haddaba, Su’aalaha Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland kulankaas Dhalinyarada iyo Aqoonyahannada ka qaybgalay ku weydiiyey oo kala duwanaa, ayuu dhammaantood halkaas kaga jawaabay. Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha Kulankaas, ayaa Maxamed Xaashi weydiiyey su’aal u dhignayd ama u dhacaysay sidan; “Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland waxay Miisaaniyadda Dawladda ee Xukuumaddii Daahir Rayaale ku lahayd 2010-kii Saddex iyo Toban Bilyan, Boqol iyo Shan iyo Sagaashan Milyan iyo Shan Boqol iyo Lixdan iyo Labo. Markii aad 2010-kii timaaddeen waxaad ka dhigtay Soddon iyo Koow Milyan,, oo ka dhigan inaad kordhisay 24%-kiiba, iyaga oo Shaqaalaha Wasaaradda ka shaqaynayey ee aad miisaaniyadda u samaysay ay ahaayeen intoodii hore oo ahayd 85 Qof oo tiro yari  ku kordhay, markaa korodhka intaa le’eg Maxamed Xaashi ahaan maxaad u cuskatay?”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi oo su’aashaa ka jawaabayaa, waxa uu yidhi; “Anigu ma kordhinne way korodhsatay, aan kuu warramo siday ku timiye, Nin Xariif ah oo gaaban ayaa meesha joogay (Xirsi Wasiirkii hore ee Madaxtooyada), inuu Madaxweynaha Saxeexiisa iskaan ka soo sameeyey iyo in uu Madaxweynaha ka soo saxeexay-ba Allaa oge, wuxuu iila yimaaddaa; ‘Waxaa lagu farayaa waxaa iyo waxaa bixi. Waxaa lagu farayaa Lacagta intaa le’eg soo wareeji’.”

“Markaa, waxa lagu farayaada ayaa badnayd, laba Mid bay ii joogtay markaa, in aan iskaga tago iyo inaan idhaa waa la boobayaaye la boob oo aan ka gaadhsiiyo wixii aan waxan ku bixin lahaa, iyo sidii aan Dadkan Ciidammada iyo Shaqaalaha wax ugu kordhin lahaa, Raashimmadana u bixin lahaa. Kolkaa, waxaan ku jiray la boob…. Kolkaa waxaan ogaaday Xukuumaddii Cigaal baan kaga tegay si dhib-yar, oo Cigaal intuu isoo-doortay oo uu isagu Maayer iga dhigay, ayaa ballantayadu ahayd inaanu I farogelin, kolkuu I farogeliyeyna maan is odhan bal u micneeyoo wax ka dhaadhiciye, is-casilaad baan u dhiibay. Kolkaas waxaan is-idhi qaladkii wakhtigii Cigaal oo kale ha samaynine tan la yar boob.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Waxa kale oo uu Maxamed Xaashi Cilmi soo jeediyey in la laalo Xeerka Maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo dhigaya in 25%-kii-ba uu Mushaharka ay qaataan u sii socdo markay xilka ka degaan, iyaga oo ku biiraya Golaha Guurtida oo ay Mushaharkiisa si joogto ah u qaadan doonaan, kaas oo uu garab-socday Xeerka Maamuuska Mudanayaasha Baarlamaanka oo markay xilka ka degaan ay qaadanayaan Sannad Mushaharkii, waxaanu sheegay inaanan si caqli ah oo caafimaad-qabta aanay Xildhibaannadu isu waydiin Kharashka intaas le’eg waxa uu dalka iyo dadka u qaban lahaa, balse keliya ay ka fikireen sidii ay iyagu wax u heli lahaayeen iyaga oo sannado badan oo aanay Bulshadu dooran muddo-kordhin ku urursaday Hantida Qaranka, Madaxtooyada, Wakiillo iyo Guurti-ba.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.