Booliska & Maamulka Dugsiyada Nuura-diin oo ka hadlay Macallin u Xidhan Afar Magac oo uu Madaxweyne Siilaanyo kala Sinmay

MAAMULKA DUGSIYADA NUURA-DIIN OO KA HADLAY MACALLIN LOOGA XIDHAY AFARTA MAGAC EE MADAXWEYNAHA AY ISKU MID KA NOQDEEN 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Maamule Ku-xigeenkii Dugsiga Sare ee Wiilaasha ee Nuura-diin oo la Magac ah Madaxweynaha Somaliland, waxaana la yidhaahdaa Axmed Maxamed Maxamuud, waxaana Naanaystiisu tahay Siilaanyo, ayaa Maalintii labaad u xidhan saddexda Magac iyo Naanaysta uu kala sinnaaday Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, isaga oo lagu eedeeyey inuu Magaca Madaxweynaha Been-abuur ama Foojari ahaan u isticmaalay.

MAAMULKA DUGSIYADA NUURA-DIIN OO KA HADLAY MACALLIN LOOGA XIDHAY AFARTA MAGAC EE MADAXWEYNAHA AY ISKU MID KA NOQDEEN 2017
MAAMULKA DUGSIYADA NUURA-DIIN OO KA HADLAY MACALLIN LOOGA XIDHAY AFARTA MAGAC EE MADAXWEYNAHA AY ISKU MID KA NOQDEEN 2017

Ninkan oo Macallin ka ah Dugsiyada Nuura-diin, isla markaana ah Maamule Ku-xigeenka ee Dugsiga sare ee Wiilasha ee Nuura-diin, ayuu Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuura-diin Mahad Ibraahin oo Saxaafadda la hadlay sheegay in Ninkan magiciisu yahay Axmed Maxamed Maxamuud wakhtigii Qaxoontiga Itoobiya la joogay ee uu Madaxweyne-Siilaanyo ahaa Guddoomiyaha Jabhaddii SNM jacayl Siilaanyo iyo SNM loo qabay wakhtigaas awgii loo bixiyey Naanaysta Siilaanyo, isaga oo saddexda Magac ee kalena kala sinnaa Madaxweynaha maanta.

Waxaanu Mahad Ibraahin, sheegay in Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka iyo Boolisku ay diideen oo ay Racfaan ka qaateen Dammaanad ay Maxkamaddu ka aqbashay inay ku sii dayso Ninkaas, Dalabkaas Dammaanadda ah oo uu u gudbiyey sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Waalidiinka Ardayda Dugsiyada Nuura-diin Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro).

Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isaguna Warbaahinta qaarkeed oo xadhigga Macallinkaas wax ka weydiisay la hadlay, ayaa ku dooday in Ninkani markii Afarta Magac ee uu Madaxweynaha kala siman yahay baadhis ka dhan ah lagu bilaabay inuu beddelay magaca Siilaanyo, kaas oo marka hore lagu ogaaday Lacag Ganaax ah oo uu Taleefankiisa Gacanta uga diray Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee magaalada Hargeysa, kuna beddelay Xaddi, sidaas darteed inay soo gashay meesha sheegashada magac aanu lahayn.

Waxaannu Warbixinta Warkan iyo Masuuliyiinta Dugsiyada Nuura-diin ee magaalada Hargeysa iyo Taliyaha Booliska Somaliland hadallada ay Ninkaas xidhan iyo xadhiggiisa ka yidhaah-deen-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.