Weedhsame oo Maanso ka Tiriyey Boobka Xukuumadda Siilaanyo & Dhaameel-raaca Baarlamaanka

Weedhsame oo Maanso ka Tiriyey Boobka Xukuumadda Siilaanyo, Dhaameel-raaca Baarlamaanka & Dhoohanaanta Shacabka 2017

“Madaxtooyadaydii Murdisoow lagaa yaab! Ama waa la Muuqdaa ama waa la Maqanyee Musdambeedyo badaneey, Magac iyo Marwaad buu Xil Macaan ku leeyee Manfacaad ka jeceleey…” Maansada Muddici ee uu Curiyey Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Weedhsame oo Maanso ka Tiriyey Boobka Xukuumadda Siilaanyo, Dhaameel-raaca Baarlamaanka & Dhoohanaanta Shacabka 2017
Weedhsame oo Maanso ka Tiriyey Boobka Xukuumadda Siilaanyo, Dhaameel-raaca Baarlamaanka & Dhoohanaanta Shacabka 2017

“Weligiin-ba Milliqsada, Weligiin Ma Guurtada Malyan iyo Kun Dhaafsada, Weligiinba Muudsada Maarkaha Dhimbiisha ah, Madaddaalo Gudhaysiyo Ismoodsiika Beenta ah Weligiinba Mehersada, Rabbigay ma Moogoo Meeli kama Qorsoonee Weligiin ku Mahadnaqa Moohaarka Duufka ah, Weligiin Miskiiddada Salaad Reer Magaaliyo Sujuuddii Munaafaqa Suxullada Ku Soo Muda..”

Hargeysa(AFNS):- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), ayaa Maanso cusub ka tiriyey Musuqmaasuqa Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sida ay dalka iyo Khayraadkiisaba u xaraashayso, sida ay Dhaameel-raaca Shilimaadka dhaafsaday xilka iyo waajibaadka Dadlka iyo Dadka ay u hayaan Xildhibaannada Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada iyo weliba sida ay Bulshada ama Shacabku uga dhoohan yihiin waxa socda ee ay u gabeen doorkoodii iyaguba ay lahaayeen.

Maansadan cusub ee Abwaan Weedhsamo oo la yidhaahdo; ‘Muddici’, waxaanu sheegay inay Maansadani ku dhalatay markii uu arkay waxa dalka ka socda ee ay dawladdu ku kacayso iyo musuqmaasuqa xadhkaha goostay ee aan laba kala qarsanayn.

Waxaannu Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ka tiriyey boobka badheedhka uu ku tilmaamay ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golayaasha Baarlamaanka oo is-kaashanayaa waddanka kula kaceen oo uu Shacabkana ku baraarujinayo, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.