Shir-guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamanka oo la doortay & Mustafe Qodax oo ka hadlay sida looga adkaaday

Shir-guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la Doortay iyo Mustafe Qodax oo Cod lagu Muquuniyey

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliland, ayaa Axaddii Maanta fadhi ay Muqdisho ku yeesheen ku doortay Xubnaha Shir-guddoonka Golahaas, iyaga oo Jagooyinka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada Aqalkaas ay u tartameen 16 Mudane oo uu ka mid yahay Maareeye Ku-xigeenkii hore ee TV-ga Qaranka Somaliland Mustafe Qodax, kaas oo lagaga guulaystay jagada Guddoomiyaha Aqalka sare oo uu u tartamay.

Shir-guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la Doortay iyo Mustafe Qodax oo Cod lagu Muquuniyey
Shir-guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la Doortay iyo Mustafe Qodax oo Cod lagu Muquuniyey

52 Xildhibaan oo Fadhiga Golaha Aqalka sare fadhiyey, ayaa kala saaray ama kala reebay 16-ka Musharrax ee u tartamay Boosaska Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalkaas. Waxaana Guddoomiye loo doortay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo helay 43 Cod oo ka tirsan Codadka ay Mudanayaashu dhiibteen, waxaanu sidaa kaga adkaaday Mustafe Qodax oo isagu helay 9 Cod.

Xildhibaan Qodax oo ka hadlay sida looga adkaaday, ayaa hambalyeeyey Musharraxa loo doortay Guddoomiyaha ee uu la-tartamay, markii Guddoomiyihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee fadhiga hagayey ku dhawaaqay natiijada Codadka ay kala heleen ka dib.

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Gari laba Nin kama wada qosliso’, markaan soo fadhiisanayeyna waan garanayey in aan guulaysanayo ama la iga guulaysanayo, waana dabeecadda tartanka, tartanno horena waan soo galay qaar aan guulaystay iyo kuwo la iga guulaystay-ba, waanan hambalyeynayaa Guddoomiyaha cusub ee iga guulaystay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Qodax.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa loo doortay Abshir Maxamad Axmed (Bukhaari) oo helay 30 Cod, Isaga oo wareeggii saddexaad kaga guuleystay Cabdi Axmed Dhuxulow oo la tartamayay. Guddoomiye Ku-xigeenka labaad, waxaa loo doortay Mawliid Xuseen Guhaad oo helay 28 Cod, halka Musharrixii ay wareegga ugu dambeeya isla soo gaadheen ee la tartamayay oo ahaa Cabdikaafi Macalin Xasan uu hellay 24 Cod. Mudanayaasha kale ee lagaga guulaystay tartanka, ayaa iyaguna hambalyeeyey Saaxiibbadooda doorashada kaga adkaaday.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hore ugu koobnaan jiray Golaha Shacabka, ayaa hadda ah laba Gole Baarlamaan oo u qaybsama Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, waxaana la filayaa inay fadhi wada-jir ah maalmaha toddobaadkan wada yeeshaan labada Aqal oo Golaha Shacabkuna hore u doortay Shir-guddoonkiisa, kuwaasoo la filayo inay ka wada-tashan doonaan doorashada Madaxweynaha oo lagu wado inay qabsoonto horraanta bisha labaad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2017-ka.

afathaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.