Khilaaf ka Dhex Qarxay Madaxda Wasaaradda Duulista Somaliland & Musuqa Wasiirka Madaxtooyada oo Saameeyey

KHILAAF HADHEEYEY MASUULIYIINTA WASAARADDA DUULISTA IYO MUSUQA MAXAMUUD XAASHI OO SAAMEEYEY 2017

Hargeysa(Aftahanews):- Khilaaf iyo is qab-qabsi ka dhex-taagan Wasiirka Wasaaradda duulista iyo gadiidka Cirka Somaliland iyo Agaasimaha guud . Farxaan Aadan Haybe iyo Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid), oo weheliyaan maamulka madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cigaal International Airport, taas oo galaafatay Shaqadii ama saamayn taban ku yeelatay kala dambayntii Shaqada ee Garoonka Cigaal, sida lagu baahiyey Shabakadda Baraarugnews oo aannu Warkan ka soo xigannay.

KHILAAF HADHEEYEY MASUULIYIINTA WASAARADDA DUULISTA IYO MUSUQA MAXAMUUD XAASHI OO SAAMEEYEY 2017
KHILAAF HADHEEYEY MASUULIYIINTA WASAARADDA DUULISTA IYO MUSUQA MAXAMUUD XAASHI OO SAAMEEYEY 2017

Xogo lagu kalsoon yahay, una dhuun-daloola, kana ag-dhow Wasiirka iyo Agaasimaha guud, ayaa sheegay in muran daba dheeraaday uu ka dhex-taag yahay masuuliyiinta ugu sareeya Wasaaradda duulista Somaliland, isla markaana waxay tibaaxeen in markii Wasiirka hadda xilka haya Madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo magacaabay xilka Wasaarada duulista Faarax Aadan Haybe uu bilowday khilaafka ragaadiyey hawlihii shaqada Wasaaradda duulista u haysay qaranka Somaliland iyo horu-socodkii shaqada Madaarka Hargeysa Ee Cigaal Airpot.

WASIIRKA MADAXTOOYADA MAXAMUUD XAASHI OO WELI MAAMULA WASAARADDA DUULISTA IYO MADAARKA CIGAAL 2017
WASIIRKA MADAXTOOYADA MAXAMUUD XAASHI OO WELI MAAMULA WASAARADDA DUULISTA IYO MADAARKA CIGAAL 2017

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda duulista Cumar Cabdillaahi uu diiday innuu wax ammar ah ka qaato Wasiirka duulista, ka dib markii uu ku dooday innuu u shaqeeyo oo uu amro Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhamaan shaqaalaha Madaarku ka ammar qataan, isagoo  ku doodaaya innuu shaqaalaha ka hawl-gala Wasaarada duulista iyo madaarka Hargeysa, uu Maxamuud Xaashi keenay oo u shaqeeyaan isaga., balse xogahaa ayaa  xusay in macluumaad kasta iyo wax kasta oo ku soo kordha shaqada  Wasaaradda duulista iyo madaarka Hargeysa uu amro Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Xogahaa ayaa sheegay in xafiis uu ku dhex-leeyahay Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Madaarka Hargeysa ee Cigaal Airpot, uu qayb ka yahay waxyaabaha keenay muranka ka dhex aloosan masuuliyiinta Wasaaradda, kaasoo u xidhan isaga oo kula kulmo shaqaalaha Madaarka iyo Masuuliyiinta kale ee ka hawl-gala Wasaaradda iyo Madaarka, isla markaana xogahaa ayaa u sheegay wakaalada Baraarugnews.com in xafiiskaa uu ku dhex-leeyahay Wasiir Maxamuud Xaashi madaarka Hargeysa ee Cigaal innuu kula xisaabtamo ama uu u qaabilsan yahay xafiiskaasi ururinta lacago laga qaado dadka ka soo degaaya madaarka iyo kuwa ka dhoofaaya.

Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada  ee xeer Lr 61/2013)  oo Golaha Wakiilladu ansixiyeen 16 February 2013, madaxweynuhuna dhaqangalkiisa saxeexay  20 February 2013 waxa uu qoddobkiisa 4aad dhigaya in dhoofe kasta  oo sita tigidh diyaaraddeed, isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah uu bixiyo takaaliif lacageed oo dhan ($10) toban doollar.

Sidoo kale, xogahan ayaa sheegay in sabab u tahay khilaafka ka dhex-aloosan Wasiirka duulista Faarax Aadan Haybe, Agaasimaha guud Cumar Cabdillaahi iyo maamulka ay keentay lacago  laga qaado dadka ka dhoofaaya iyo kuwa ka soo dega  madaarka Hargeysa Cigaal Airpot  oo qaada lacag cashuur loogu sheego dadka isaga kala gooshaaya madaarka iyo dibaddaha oo aan Golaha Wakiilladu ansixin wax war ahna ka hayn lacagaha dheeraadka ah ee lagu qaado madaarka Hargeysa, culaysna ku ah dadka qurba-jooga ah ee dalkooda imanaya iyo carruurta dalkooda iyo dadkooda la soo barayo ee waalidku tigidhada siday ku helaan Illaahay ogyahay in haddana madaarka lagu furto oo lacagta intaas le’eg ($43 doollar iyo $10 carruurta 15 jir ka yar) la waydiiyo ay saameyn weyn ku yeeshay qurba-jooga reer Somaliland oo siddii hore aan maanta u iman dalka.

Dhinaca kale, lacagaha cashuurta ah ee laga qaado gaadiidka dadweynaha ee gudaha u gala madaarka Hargeysa ee ehelada dadkoodu ka soo degayaan ama ka dhoofayaan (Parking Fee) oo hore u ahayd $1 doollar, ayaa hadda la kordhiyey, waxaanna laga dhigay in baabuurka loo xisaabiyo hadba inta saacadood ee uu gudaha madaarka ku jiro, iyadoo haddii uu qaato muddo laba saac ah laga doonayo lacag dhan $2 doolla

Waxaannu, isla markaana lacagaha dheeraadka ah ee lagu soo rogay Madaarka Hargeysa, ayaa waxa sameeyay markuu xilka hayey Wasiirkii hore ee Wasaaradda duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ee immikana ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Hase yeeshee, lacagahan ayaa la sheegay in loo ururiyo Wasiir maxamuud Xaashi Cabdi oo ku leh xafiis madaarka Hargeysa, iyadoo lacagtaas Wasiirka Wasaaradda maaliyada Samsam Cabdi Aan aaney ku soo darin xisaabta miisaaniyada ay keentay aqalka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa lacagtaa u igmaday masuuliyadeeda Agaasimaha guud ee Wasaarada duulista, taasoo sababtay in aanu wax awood ah laheyn Wasiirka madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda duulista oo ammarkiisu socon ee lagu dul maamulo Wasaarada. Isla markaana waxa la sheegay inay tahay xeelad casriya oo la micna ah budh-cad asbaaro dadka lacago kaga qaada ka dhex-samaystay Madaarka Hargeysa, innuu Wasiirkuna u arko lacagahaa la lunsado ee kooxdu kuwada shaqaystaan.

Xigasho Baraarugnews.com.