Casri: Shirkadda Eagle Media oo Xayeysiisyo Indhaha Bulshada Soo Jiitay ku soo kordhisay Somaliland

SHIRKADDA EAGLE MEDIA OO XAYEYSIISYO CASRI AH KU SOO KORDHISAY SOMALILAND 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadda Duubista, Qaabaynta iyo Diyaarinta Xayeysiisyada ee Eagle Medi Production, ayaa Somaliland ku soo kordhisay Xayeysiisyo casri ah oo inta badan Bulshadu aad u jeclaysatay nidaamka cusub ee ay Xayeysiisyada Shirkadaha kala duwan ee dalka ka jiraa u baahan yihiin u qaabaysay ama u samaysay oo ka duwan qaabkii hore ee Xayeysiisyada gudaha looga bartay kuwii ka horreeyey ee samayn jiray.

SHIRKADDA EAGLE MEDIA OO XAYEYSIISYO CASRI AH KU SOO KORDHISAY SOMALILAND 2017
SHIRKADDA EAGLE MEDIA OO XAYEYSIISYO CASRI AH KU SOO KORDHISAY SOMALILAND 2017

Shirkadda Eagle Media oo tan iyo bilawga sannadkii tegay ee 2016-kii si toos ah uga hawlgalaysay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, ayaa u muuqata mid wax fiican soo kordhisay marka laga eego dhinaca Curinta, Hal-abuurka qaabka, Tayada Muuqaallada iyo Sawirrada iyo Fahanka Farriinta Xayeysiis ee ay samayso ama soo jiidashada oo aad loola dhacay ama loo soo dhaweeyey.

Markaad eegto Shirkadaha Ganacsi ee ay Shirkadda Eagle Xayeysiisyada Casriga ah ee ay soo kordhisay ugu samaysay Ganacsiyadooda waxaa ka mid ah; Shirkadda Socdaalka Gaadiidka gobollada Somaliland ee Sahal Transportation, Naima Design & Fashion, Sagal Jet iyo kuwo kale, waxaana Xayeysiiska Shirkadaas ay Eagle Media u samaysay noqdeen Xayeysiisyadii ugu soojiidashada badnaa uguna hadal-haynta badnaa Somaliland.

Haddaba, Maamulaha Shirakdda Eagle Media Production Ibraahin Cabdiqaadir Eagle oo Weriye ka tirsan Shabakadda Wararka ee Aftahannews kula kulmay magaalada Hargeysa, ayuu wax ka weydiiyey Xayeysiisyadan casriga ah ee ay sameeyaan Shirkad ahaan iyo qaabka ay Somaliland uga hawlgalaan iyo waxa u sahlay in Xayeysiisyada ay Shirkadaha Ganacsiga u sameeyaan inuu ka duwanaado Xayeysiisyadii hore dalka looga samayn jiray oo ay si gaar ah indhaha bulshada u soo jiitaan.

Waxaanu Ibraahin Eagle ku jawaabay oo yidhi; “Run ahaan aad baan ugu faraxsanahay inaan dalkayga Hooyo ku soo laabto oo aan Shirkaddan Eagle Media ee Xayeysiisyada ka hirgeliyo bilawga sannadkii 2016, oo wixii aannu ganacsi ahaan ku soo kordhinayno ku soo kordhinno. Cid kasta oo u baahan Xayeysiisyo Casri ah waannu soo dhawaynaynaa. Haddii aan ka jawaabo waxa sahlay in Xayeysiisyada aannu samaynay indhaha Bulshada soo jiitaanna waxaan odhan lahaa waannu u hagar-baxnaa Macaamiisha Xayeysiisyo inaannu u samayno naga soo dalbada, Aqoon ahaan iyo Qalab ahaanba, waxaanannu ku dedaalnaa inaannu soo saarno wax qanciya Macaamiishayada iyo Macaamiishoodaba. Cid kasta oo u baahan inaannu la shaqaynana Gacmo furan iyo qiimo macquul ah ayaannu ku soo dhawaynaynaa.”

Shirkaddan Eagle Media oo ay wakhtigan wadaan Ibraahin Eagle iyo Khadar-Ilkacase, ayaa si toos ah uga hawlgasha magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, isla markaana rejaynaysa inay gaadho gobollada kale ee Somaliland sida uu Ibraahin u sheegay Aftahannews. Qofkasta ama Shirkad kasta oo Ganacsi oo u baahan adeegyada casriga ah ee Eagle Media Production, waxa uu kala xidhiidhi karaa; Taleefanka iyo Email-ka kala ah; ibrahimib@msn.com iyo 0634452585.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.