Xukuumadda Siilaanyo Maxay Ka Tidhi Xubnaha Somaliland u dhashay ee loo dooranayo Baarlamaanka Soomaaliya?

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND SACAD CALI SHIRE

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga digtay in lagu xidhiidhiyo doorashooyinka Aqalka hoose iyo Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo doorashadiisu socoto, isla markaana dad Somaliland u dhashay oo Golayaashaas u sharraxan u codayntooda lagu wado inay Isniinta Berri ka qabsoonto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND SACAD CALI SHIRE 2016
WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND Dr. SACAD CALI SHIRE 2016

Xukuumadda Somaliland, waxa ay beenisay ina qeyb ka tahay nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo maalmahan ay baahinayeen Xafiiska UNSOM iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Mr. Keating, waxaanay ka digtay in la huriyo qalalaase iyo tallaabooyin keeni kara colaad saamaysa waddamada gobolka iyo caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shalay soo saaray Qoraal Digniin ah oo uu ku socodsiiyey Xafiisyada Safaaradaha iyo Hay’adaha dalka jooga dhammaantood, kaasoo Nuqul ka mid ah ay heshay Mareegta Somalilandspan oo ay Soomaali u soo turjuntay oo aannu Warkan ka soo xigannay, ayaa lagu sheegay in Warbixinaha lagu faafiyey baraha bulshadu ku kulanto aanay beddeli karin xaqiiqada ka jirta gudaha dalka Somaliland.

Qoraalka Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa soo baxay ka dib markii labadii maalmood ugu dambeeyey Xafiiska UNSOM iyo Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Mr. M Keating ay faafinayeen Warbixin ay ku dhiirrigelinayeen hannaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo abuuritaanka Baarlamaanka (Aqalka Sare iyo Hoose) ee Federaalka Soomaaliya u socdaan, isla markaana ku sheegeen in Somaliland qeyb ka tahay.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire Qoraalkaas uu Hay’adaha iyo Xafiisyada Safaaradaha ku socodsiiyey, waxa uu u dhingaa sidatan:- “Waxa maalmahan lagu baahiyey Warbaahinta, gaar ahaan Baraha Bulshada ku kulmaan, in Somaliland qeyb ka tahay nidaamka lagu samaynayo Baarlamaan Federaal iyo Aqal sare oo Soomaaliya yeelato. Taasi, xaqiiqdii waa mid runta ka fog.”

“Dunida, Somaliland waa dal madax-bannaan, la aqoonsan yahay, ama ku socda, oon qeyb ka ahayn geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya. Somaliland waxay ka baxday midnimadii 25 sannadood horteed.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo qoraalkiisa sii watay.

Waxa uu Wasiir Sacad Cali Shire, ugu baaqay bulshada caalamka inay aqbasho xaqiiqada dhabta ah, isla markaana ay qiraan inaan Somaliland qeyb ka ahayn qaab-dhismeedka Federaalka Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Xaqiiqada in dadka ka soo jeeda Somaliland jagooyinka ka qabteen dawladda Federaalka, macnaheedu maaha in ay metelaan Somaliland.”

“Taageeridda iyo buunbuuninta fikirkaasi ma caawin doono Soomaaliya, Somaliland ama gobolka. Sheegashadaasi waxa laga yaabaa inay u wanaagsan tahay dhammaytirka Warbixinnada Shaqsiyaad ama waajibaad Hay’adeed, laakiin waxay abuuraysaa colaado iyo masiibooyin gaadha gobolka iyo meelo ka baxsan.” Sidaa ayuu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ku yidhi Qoraalkiisa.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxa uu qoraalkiisaa ku soo gunaanaday talooyin uu u jeediyey Beesha caalamka, waxaanu ku yidhi; “Waxa caawin kara Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka waa in bulshada caalamku aqbasho xaqiiqada dhabta ah ee dhulka, oo qiraan inaan Somaliland qayb ahayn qaab-dhismeedka Federaalka, taageeraan doorashooyinka dimuquraaddiga dhabta ah ee Somaliland oo kaalin ku yeeshaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.”

Xubnu u dhashay Somaliland, ayaa u sharraxan inay noqdaan Xildhibaannada Baarlamaanka Aqalka Sare iyo Hoose ee Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood xilal ay ka hayeen Hay’adaha dawladda Somaliland iyaga oo aan iska casilin Muqdisho u tegeen Xilalkaas Xildhibaanno, Shaqaale Dawladeed iyo Xubno gobollada Somaliland u dhashay oo Musharrixiin, Ergooyinka codaynaya iyo Madax-dhaqameed isugu jira, ayaa iyaguna ku sugan Muqdisho oo isu-diyaarinaya doorashadaas hirgelinta qaybta iyaga ku aaddan ama looga baahan yahay, taasoo la filayo inay Isniinta dhacdo doorashada Xubnaha Somaliland u dhashay. Inkasta oo Xogo Aftahannews ka helay Muqdisho, ay tibaaxayaan inay suuragal tahay inay Isniinta dib uga dhacdo coodayntaasi, balse la filayo isla toddobaadkan qabsoonto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.