Daawo Siday u dhacday & Hadallada laga Jeediyey Xaflad lagu Sagootiyey Axmed-weli Furinle iyo Yurub-Geenyo

Hargeysa(Aftahannews):- Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa Xaflad Sagootin ah magaalada Hargeysa ugu sameeyey Muusiishanka Axmed-Weli Ibraahin Maxmauud (Furinle) oo ah Guddoomiyaha Kooxdaas iyo Fannaanadda Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-Geenyo) oo magaalada London ee waddanka Britian kaga qaybgalaya Barnaamijka Toddobaadka Soomaalida ee Somali Festival Week oo sannad walba lagu qabto halkaas.

Munaasibad Sagootin ah oo Xiddigaha Geesku labada Xiddig ee sannadkan lagaga marti-qaaday Barnaamijka Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee Somali Festival Week ugu sameeyeen Isniintii Maanta Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Xildhibaanno Golaha Deegaanka Caasimadda ka tirsan, Bahda Xiddigaha Geeska, Aqoonyahanno, Maamulka Ururka Kayd ee soo qaban-qaabiya toddobaadka dhaqanka Soomaalida ee London lagu qabto sannad kasta Qoraa Jaamac Muuse Jaamac Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed-Ilkacase iyo Xubno kale.

Waxaa sidoo kale, Munaasibaddaa lagu shaaciyey Turxaan-saar badi lagu farxay maqalkiisa oo la xidhiidha Guddoomiyihii hore ee Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) oo wakhti aan sii fogeyn Facebook-giisa ku baahiyey inuu kooxdaas ka baxay oo laga dhex-saaray khilaaf soo dhex-galay Kooxda.

Guddoomiyaha wakhtigan ee Xiddigaha Geeska Axmed-weli Ibraahim (Furinle) Xafladdaas ku shaaciyey in Laab-saalax ka mid yahay Rukumadda Kooxdu ku taagan tahay, isla markaana wax dhibaato ahina jirin, wixii jirayna la dhammeeyey, isla markaana inta uu maqan yahay uu kaga sii tegay Xilkiisa Guddoomiye-nimo oo uu ku sii simi doono.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo ay Guddoomiyaha Kooxda Furinle iyo Guddoomiyihii hore Laabsaalax iyo Xubno kaleba Madasha uga mahad-celiyeen oo xurgufta yar ee la dareemayey isagu xalliyey, Xildhibaan Xasan Shahar oo Mudanayaasha Golaha deegaanka Hargeysa isaguna ka tirsan, Agaasimaha guud ee Warfaafinta Ilkacase, Jaamac Muuse Jaamac, Axmed-weli Furinle iyo Abwaan Laabsaalax, ayaa Xafladdaas Qado-sharafta Sagootinta ahayd ee Geenyo iyo Furinle hadallo ka jeediyey.

Haddaba, Guud ahaan Munaasibaddaas Sagootinta ahayd ee loo sameeyey Axmed-Weli Furinle iyo Yurub-Geenyo iyo Dulucda Hadallada kala duwan ee laga jeediyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan Daawadayaal, Dhegaystayaal iyo Akhristayaal-ba:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.