Jimciyadda Hass Foundation oo ka Warbixisay Dhismaha Dugsiga Boodhinka Laascaanood

Qaabka loo dhisi doono Akaademiga Laascaanood

By: Faysal Axmed Kaarshe .. Laascaanood(Aftahannews):- Jimciyadda loo yaqaano Haas Foundation oo ka shaqaysa arrimaha samo-falka,  isla markaana gacanta ku haysa dhismaha  dugsiga Boodhinka ah ee laga waddo magaaladda Laascaanood  (Hass Academy of Laascaanood), ayaa ka warbixisay halka uu marayo dhismaha dugsigaasi.

Qaabka loo dhisi doono Akaademiga Laascaanood
Qaabka loo dhisi doono Akaademiga Laascaanood

Dugsigan Hass Academy of Laascaanood,   oo ku yaalla  duleedka magaaladda Laascanood ayaa  loogu tallo-galay in ardaydu ay ka helaan jiif iyo waxbarasho, isla markaana  ka kooban afar qaybood kala gedisan. Waxaana dugsigan   dhismihiisa  iska  kaashaday    Jimciyadda  Haas Foundation iyo  hay’adda  Care International.

Hass Academy of Laascaanood,  ayaa ah dugsi waxbarasho oo aan noociisa oo kale hore  dalka uga jirin, kaasi oo dhismihiisu  aad u balaadhan  yahay, isla markaana loogu tallo-galay wiilasha yo gabdhahuba ay wax ku wada bartaan.

Dugsigaasi oo dhismihiisa la  bilaabay bishii 7-aad ee sanadkan, isla markaana hadda socday muddo saddex bilood ah ayaa  hadda waxaa la dheemayay qaybtii loogu tallo-galay in gabdhuhu ay wax ku bartaan, qaybtii ay seexanayeen iyo qaybihii cuntadda lagu karsanayay.

Sida uu   sheegay  Eng.  Jaamac C/Laahi Caydiid, oo ah gudoomiyaha Hay’adda Hass Foundation oo  hadal ka jeediyay  munaasibad lagaga warbixinayay  halka uu marayo  wejiga koowaad ee dhismaha dugsigaasi oo shalay lagu qaabtay meesha  uu dhsimihiisu ka socdo.

Gudoomiyaha  Hay’adda Hass Foundation, ayaa ka warbixiyay   qaybaha uu dugsigaasi ka kooban yahay, halka uu dhismihiisu marayo iyo sidoo kale  qaybaha uu ka kooban yahay. Waxaanu yidhi  “Dhismihii  shaqadiisii way socotaa,    waxaana la bilaabay bishii todobaad ee sanadkan,  waxaanu socday saddex bilood iyo badh dhismihiisu.

Hadda  waxaanu gacanta ku haynaa wejigii 1-aad oo ah  qaybta gabdhaha, taas oo ka kooban 6 fasal, laba Laab, 3 xafiis iyo maktabadii. Waxa    kale oo socda qaybtii hurdada ee gablaha oo ka kooban 20 qol oo kor iyo hoos ah, iyo sidoo kale qaybtii  cuntadda lagu karsanayay (Jikada)   iyo hoolkii ay ku cuntayn lahaayeen ardaydu.  Waxa  kale oo weheliya wejigaa hore deyrkii lagu wareejinayey schoolka oo dhan”.

Eng.  Jaamac, waxa uu intaasi ku daray “Anagoo jamciyad ahaan rejynayna in mudadaa dhismihiisu socday in le’eg oo kale-na   wakhti ahaan qaadan doono, waxaanuna u qaybinay oo uu ka kooban yahay dhismaha dugsigu afar weji, waxaana ku xigta qaybtii wiilasha oo intaa in le’eg ah.  Waxaana  keliya oo ay ku kala duwan yihiin fasalada wiilasha ayaa ah 8 fasal ah.

Waxa kale oo wejiga 3-aad ah qaybtii adminka oo xafiisyadii school-ka laga maamulayey oo ilaa 10 xafiis  oo isku xidhan ah iyo sidoo kale hurdadii macalimiintu ay degi lahaayeen oo rag iyo dumar-ba leh oo kala qaybsan.

Waxaa  ku jira qaybtaa masaajidkii,waxaa kale oo ku jira dugsigii hoose/dhexe oo badhtanka  gelaya. Wejiga  4-aad ayaa ah Garoomada ay ku ciyaari doonaan ardayda ku xeraysan dugsigan oo dhamaantii wiilal iyo gabdhoba boodhin ah. Waxaa  wejiga u danbeeya uu noqon doonaa Hoolashada Farsamada gacanta sida Looxa iyo Birta-ba iyo sidoo kale ceelkii biyaha, Dhirayntii dugsiga, Biyo gelinta deegaanka dugsigu ku yaallo iyo waddo Laami ah oo magaalada si toos  ah u soo gasha”ayuu yidhi C/laahi Caydiid.

Dhinaca kale Eng.  Jaamac Cabdilaahi, waxa uu ka hadlay cadadka dhaqaale ku baxaya dhismaha dusgigan, shirkadaha qandaraaska lagu siiyay dhismaha dugsigan  iyo cidda ka caawisay dhaqaale ahaan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlaayay-na waxa uu yidhi “Dhismaha  dugsigan oo dhaqaale badani ku baxayo, waxay    hay’adda Care  International  ay iyadu qaybta hablaha dhiskiisa bixisay. waxaana afarta weji la kala siiyay labada hore laba shirkadood oo xidhiidh  ahaan aanu kula heshiinay oo u doorranay.  Halka  labada weji ee kale ama iyagu sii wadi doonaan ama shirkado kale ay kula tartami doonaan”.

Ugu danbayn  Eng.  Jaamac C/Laahi Caydiid, waxa uu sheegay in ay si weyn uga fiirsanayaan tayadda dhisme ee uu yeelanayo dugsigaasi, isla markaana ay doonayaan in uu noqdo mid loo aayo oo muddo dheer jira, sidoo kale-na ay u qorshaysan tahay in awoodda saaraan sidii ay dugsigaasi uga soo bixi lahaayeen arday  heerkoodda aqooneed uu si wanaagsan u dhisan yahay.

hass-foundetion

Eng.  Jaamac, ayaa intaasi ku daray in maamulka waxbarasho iyo  ka  manhajka dugsigaasi ay gacanta ku haynayaan  hay’adoodda Hass Foundation, sidaas darteed-na ay  u qorshaysan tahay in dugsigu uu noqdo mid dhinac walba ka habaysan.Waxaanu yidhi  “Waxaa  kale oo xusid mudan in la dareemayo woxoogaa cag culays ah,  taas-na waxaa sababaysa anagoo jamciyad ahaan ka fiirsanayna tayada iskuulkan oo aanu rabno in cimri dheer  oo loo aayo uu noqdo.  Waxaanu  noqon doonaa iskuul aanu gacanta ku hayno maamulkiisa , macalimiintiisa iyo  manhajkiisa-ba,  anagoo xoogga saari doona in ay ka soo baxaan arday tayo leh oo dalka, dadka  iyo qoysaskoodu-ba aayatiin ka helaan.Waxaanuna   awoodda  saarray sidii ay u heli lahaayeen ardayda wax ku baranaysaa adeeg hufan oo dhanka aqoonta waxbarashada ah iyo mid ay ardaydu baahi kasta kaga maar-maan dhinacyada adeega  ee daryeelkoodda,  maadaama uu yahay dugsi  boodhin  ah.”

Faysal Axmed Kaarshe

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Laascaanood/Somalialnd.