Maxkamadda Hageu oo Wadaad Burburiyey Goobo Taariikhi ah Xukun Ku Ridday

ahmad al faqi al mahdi

Hageu(Aftahannews):- Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay Ahmed Alfaqi Al Mahdi oo lagu helay dembi ah inuu burburiyay goobo taarikhi ah.

ahmad al faqi al mahdi
ahmad al faqi al mahdi

Goobaha uu burburiyay ninkan ayaa ku yaalla dalka Mali, isagoo waqtigaa ka tirsanaa kooxda Islaamiga ee Mali ka dagaalanta. Wadaadkan reer Maali ayaa qirtay inuu dagaalyahanno Islaami ah oo ka tirsan kooxda Ansaaru Diin uu ku amray in ay burburiyaan goobahan taariikhi ah.

ahmad al faqi al mahdi
ahmad al faqi al mahdi

Goobahan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa goobo diimeed oo magac ku leh dalka Maali, kuwaasi oo ku yaalay magaalada qaddiimiha ah ee Timbaktu intii u dhaxaysay sannaddadii 2012-kii iyo 2013-dii.

Dacwad oogaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC-da Fatou Bensouda ayaa sheegtay in maxkamadaynta ninkan ay tahay mid muhiimad wayn u leh maxkamaddan.

Waa markii ugu horraysay oo maxkamaddani ay soo dacwayso ayna eedayso qof burburiyay waxyaabaha taariikhiga ah. Sidoo kale waa markii ugu horraysay oo qof maxkamaddan la soo taagay uu qirto dambigii loo haysto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.