Muuse Biixi oo Jawaab ka Bixiyey Weedho C/Raxmaan-Cirro ku Duray, Madaxweynahana Dardaaran Siiyey

MUUSE BIIXI CABDI, MADAXWEYNE SIILAANYO, GUDDOOMIYAHA DOORASHADA & DAYR

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa ka jawaabay weedho Guddoomiye Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirr ku duray KULMIYE, isla markaana ka hadlay arrimo kala duwan oo qabashada doorashada Madaxtooyadu ka mid tahay.

MUUSE BIIXI CABDI, MADAXWEYNE SIILAANYO, GUDDOOMIYAHA DOORASHADA & DAYR
MUUSE BIIXI CABDI, MD. SIILAANYO, GUDDOOMIYAHA DOORASHADA & DAYR 2016

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo inuu doorashada Madaxtooyada waqtigeeda lagu qabto, isla markaana uu Madaxweyne ahaan maaddaama oo aanu Musharrax ahayn kala jeclaysan Xisbiyada tartamaya ee uu  u caddaalad-sameeyo.

GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN-CIRRO 2016
GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN-CIRRO 2016

Muuse Biixi waxa uu qodobbadaas iyo kuwo kale oo dhawr ahba kaga hadlay khudbad uu Isniintii Maanta ka jeediyey Munaasibad Guddiga doorashooyinku u sameeyeen gunaanadka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, isla markaana Masuuliyiinta Xisbiyada, Guddiga doorashada, Madaxweynaha Somaliland, Wakiillo Beesha caalamka ka socday, Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamanka, Wasiirro iyo Marti-sharaf kale ka qaybgaleen.

Khudbadda uu Muuse Biixi halkaas ka jeediyey ee Jawaab-celinta, Doodda, Difaaca, Dardaaranka, Dardar-gelinta, Mahad-naqa iyo Soo-jeedinta isugu jirtay, waxaannu iyada oo Qoraal ah idiinku soo gudbinaynaa Bayjkeennan Warbaahinta Aftahannews.com, waxaanu Qoraalkeedu u dhignaa sidatan:-

Diiwaangelinta;- Guddiga Doorashooyinka aad iyo aad baan u hambalyeynayaa iyaga inta la shaqaysayba, waxaanad na tusteen kalsooni ah inaad doorasho qaban kartaan oo dad muddakar ah oo xilkooda kasoo baxay tihiin aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Waxaan ku darayaa inaynu u diyaar garowno doorashadii oo aad doorashadaas u qabataan si caddaaladi ku jirto oo had goor mucaaridku way iska shaki badan yihiin ay walaalaheena mucaarid iyo muxaafidba iimaansadaan.

Waxaan u mahadnaqayaa intii is-diiwaangelisay, intii ka qaybqaadatay hirgelinta diiwaangelinta, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidammada Qaranka oo suurtogaliyey in diiwaangelintu ka qabsoonto guud ahaan xuduudka Somaliland.

Xisbiyada iyo Qaadhaan-bixiyayaasha;

“Xisbiyada waxa laga rabaa dadka inay doorasho u horseedaan, inay dadka qabiilka ka saaraan oo ay mideeyaan, inay dantooda gaarka ah ka horumariyaan ta guud mar hadday masrixiyadda soo istaageen, waxa ugu sii mudan xisbigu inuu qarankiisa ilaaliyo oo aannu xukuumaddiisa uga war-dadaboon dawladda kale ileyn markaa qaranimada ayuu ka gudbayaaye.

Waxaan raacsanahay in doorashadu waqtigeeda dhacdo, Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo, doorashada haddii aannu xisbiyada nahay haddaanu dabada sii dayno oo hinjinno waqtigeedii way dhacaysaa, laakiin haddii xisbiyada qaarkood dabada jiidaan waxa laga yaabaa in dhibaato ingu timaaddo.

Halna waa yaab, KULMIYE wuu jeclaa qolada qaadhaan-bixiyayaasha iyo bulshada caalamka, haddana wuu jecelyahay, berigii aannu lixda qoddob saxeexaynaynay waxaannu ku riixaynay doorashada waqtigeedii ha dhacdo oo yaan dib loo dhigin, haddana caalamka iyo cid walba waxaannu leenahay doorashadu maalinteedii ha dhacdo oo yaanay dib u dhicin. Weli lama arag Mucaarad diiddan in doorashadu waqtigeedii ku dhacdo iyo Muxaafad leh doorashadu dib yey u dhicin ee waqtigeedii ha dhacdo. Maantana waxaannu leenahay doorashadu waqtigeedii ha dhacdo oo yaanay dib u dhicin, weliba Madaxweynuhuna ma sharraxna oo waxaannu leenahay Oday Ruug-caddaa ah baad tahaye si xaq ah oo Xisbigaagana aan ahayn ee Xisbiyada oo dhan u siman ugu gar-qaad, doorashadana waqtigeedii noo qabo.”

Xukuumadda;

Xukuumadda waxaan leeyahay aad baa la idiinku mahadnaqay kharashkii hore aad bixiseen ee diiwaangelinta, ka soo socda ee codbixintana cidna haku hallaynina’e xukuumadda ka qaaddo kharashka soo socda si doorashadu waqtigeeda ugu dhacdo, taas ayuun baynu ku kala shaki bixi karnaa.

Dadweynaha;

Dadweynaha waxaan leeyahay doorasho ayeynu ku jirnaa, doorashadu waa inay wanaag iyo midnimo inoo horseedaa, haddaynu doorashadii qabiil u rogno oo aynaan mabaad’ii dawladnimo u jeedin, haddana aynu dawladnimo doonno labadaasi isma qabtaan, waxay ila tahay dadku waa inay doorashada u arkaan qaranimo iyo dawlad qaranka oo dhan midaysa oo ay taas ku codeeyaan ee aanay innaga noqon reer hebel imisa ayuu helay iyo reer hebel imisa ayuu helay, taasi waa dib u dhac ee doorasho maaha.

Gobollada Bariga iyo Nabadaynta;

Waxaan soo dhaweynayaa ka qaybgalka Sool iyo Sanaag-bari ka qaybgaleen is-diiwaangelnta, waxaanan soo dhaweynayaa nabadda ka soo bilaabantay gobollada Bari, waxaan u mahadnaqayaa ragga Khaatumo ee waanwaanta inala bilaabay ee doorashada halla galo dadkooda ku yidhi.” Sidaa ayuu Qoraalka Khudbaddiisa ku yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.