Taarikh-nololeedkii Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar

Geeridu waa xaq waana mid ina sugaysa dhammaanteenba inkasta oo saacadda la qaban doono qof ogi aanu jirin. Haddana waa wax aynu wada filayno oo qof diidani aanu jirin.

Maalin kasta mid inaga  mid ahaa ayaa tegaya oo aynu habaaska iyo ciidda ku soo rognaa. Hal-doorkii bulshada ee magaca iyo milgaha dhexdeena ku lahaa ayaynu cidla kaga soo dhaqaaqnaa oo aynu iilka ku adkaynaa.

Sheekh Axmed Cali Weerar

Inkasta oo maalinta aynu maqalno hebel baa dhintay aynu wada naxno, haddana waa dareen inteena badan subaxda dambe aynaan lasoo toosin  oo inaga ba’a oo aynu muddo yar dabadeedba  iska ilowno.

Geeriduse waa arrin u baahan kol walba in aynu maankeena ku hayno. Waxay ahayd in aynu isweydiino meesha aynu hayaanka u nahay ee aynu geediga ku furayno. May ahayn in aynu isku hawlno adduunyadan dhibta ah ee rafaadka ah. Waxay ahayd in aynu nafta ugu sheekayno oo aynu u hambaasno una riyaaqno nolosha dhabta ah ee raasamaalka leh.

Waxay ahayd in aynu ku werwerno kuna darsano qorshe-hawleedkeena oo aynu mar walba xasuusano geerida.

Habeenimadii salaasadii ee taariikhda islaamku ahayd 20-kii bishii rabiicul-awal sanadka 1434-ka oo ku beegan 21-kii bishii kowaad sanadka miilaadiga 2014-ka. Waxa si’heer qaran ah xabaalaha degaanka Toon ee magaalada Hargaysa u dhaw loogu aasay illaahay qabriga haw nuuree Sheekhii haybadda weynaa ee  ilayska u siday Culimada Qaadiriyada ah ee Soomaalida. Allow kuu naxariiso waa Sh.Axmed Cali-weerar Maxamed Sharma’arke. Waxaanu Sheekhu ku geeriyooday habeenimadii Axaddii ee taariikhda islaamku ahayd 18-kii rabuucul-awal,Magaalomadaxda dalka Jabuuti oo dhakhtar caafimaad loo geeyey. Ugu horrayn waxaanu mahad balaadhan u diraynaa Badhasaabka Jabbuuti mudane Muumin Axmed Sheekh iyo Sarkaal ka tirsan waaxda Cashuuraha Jabbuuti mudane Yaxye Muuse Cige iyo waliba ganacsadaha weyn Axmed Aw-Siciid Geeddi oo ka qayb qaatay soo qaadistii meydka Sh.Axmed Cali-weerar.

Haddii Alle idmo waxaynu qormadeenan ku faaqidi doonaa Taariikh Nololeedkii Sh.Axmed Cali-weerar.

Aynu u kala qaadno dhawr qodob oo kala ah:

1- Barbaariddii Sh.Axmed Cali-weerar

2- Sh.Axmed Cali-weerar iyo Hooyadii Diidan X.Aadan

3- Sh.Axmed iyo Aabihii Cali-weerar

4- Haybaddii iyo Tarantii Sh.Axmed Cali-weerar

BARBAARIDII SH.AXMED CALI-WEERAR  (1929-kii–2014-kii)

SH.Axmed wuxuu ku dhashay degaanka Awaare ee itoobiya sanadkii 1929-kii.

Waxaanu ku barbaaray miyiga xilligaas oo ay nolosha soomaalidu miyiga u badnayd oo aanay jirin magaalooyinka waaweyn ee aynu maanta ku noolahay. Qaybtii hore ee noloshiisa wuxuu ku soo qaatay noloshii raacatada ahayd ee ragguna uu hawsha xoolaha u qaybsanaa haweenkuna hawsha guriga iyo caruurta ay u xil-saarnaayeen; waxaanu ka soo qaatay kaalin dahab ah oo uu kaga tilmaannaa dhalinyaradii ay isku filka ahaayeen. Waxaanu qoyskoodii u buuxiyey kaalintii haweenka iyo ragga labadaba ee reer-guuraagii qoysaska soomaalidu ay isu qaybin jireen. Allow u naxariiso anaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal {Aammiin}.

SH.AXMED CALI-WEERAR IYO HOOYADII DIIDAN X.AADAN

Diidan X.Aadan waxay ahayd Sh.Axmed Cali-weerar hooyadii. Allow kuu naxariiso iyaduna way inaga hoosaysaa. Lagama sheekayn welina lama sheegin haweenay soomaaliyeed oo quruxdii Diidan X.Aadan oo kale leh. Diidan waxay ahayd haweenay magaceeda laysu tebiyo oo qurux marka la sheegaayo iyada lagu hal-qabsado. Wuxuu magaceedu gaadhay degaanno badan oo dhulka soomaalida ka mid ah. Intii ay madax bannaanayd rag badan ayaa u ku hamiyey inay guursadaan oo uu calafku siin waayey. Suugaantii loo tiriyey ee lagu aammaanayna tiro laguma soo koobi karo. Inkasta oo dadkii qaybay ay madheen haddana meerisyada bulshada dhexdeeda ku sii hadhay waxa ka mid ah:

Dumar waa ama daa

Ama Diidan ka guurso

Faras waa ama daa

Ama daabad ka fuul

Yuusuf Cawad-dhuulana waa kii lahaa:

Ma’Qamaasha iyo Diidan bay Qamarna noo raacday

Ma’haween midii qurux leh baan qaybi nagu seegi

Qadar dhacay ma Nuur laagadhaa qadanki hoomaayey

Ma’qadiimigii baanu nahay qaadi jiray geela

Mar haaddaanu qiimiga adduun qayb walba u joognay

Qatinaye ninkii doonayow qaado dabadeeda

Dhammaantoodba illaahay haw naxariistee waxay Cali-weerar iyo Diidan isu dhaleen sideed iyo gabadh.

Sh.Axmedna wuxuu ku dhalasho xigay jaamac Cali-weerar oo yaraan ku dhintay Dhacsad Cali-weerarna wuxuu ahaa curadkoodii, isaguna wuu inaga hooseeyaa Allow u naxariiso anaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal {Aammiin}.

Sh.Axmed wuxuu hooyadii u qaban jiray hawsha inantu ay hooyadeed u qabato iyo hawsha inanku uu hooyadii u qabto ladaba. Alle haw naxariistee wiil iyo gabadhba isaga ayaa Sh.Axmed hooyaddii u wada ahaa. Iga raali ahaada haddaan idinku dheereeyey.

Waa su’aale haddaba sidee buu hooyadii wiil iyo gabadhba ugu wada ahaa? Hawraar soomaaliyeed baa ahayd “Dhegta ayaa ka war dheer ishaaduse waa kula fil”.

Waasida la’yidhiye Diidan X.Aadan muddo badan ayaanay wiilal mooyaane gabadhba dhalin.. Dabadeedna Sh.Axmed  wuxuu hooyadii u buuxiyey kaalintii inantu ay geli lahayd.

–       Wuxuu u lisi jiray Adhiga

–       Wuxuu u soo diiri jiray Maydhaxda

–       Wuxuu u soohi jiray Xadhkaha

–       Wuxuu u soo bixin jiray Dhigaha

–       Wuxuu u dhisi jiray Aqal-soomaaliga

–       Wuxuu u soo guri jiray Yacayga

–       Mararka qaarkoodna wuxuu la’samayn jiray Kebeda iyo Cawska.

Waxba yaanan hadalka idunku dheerayne wax kasta oo ay inantu hooyadeed u qaban lahaydba isaga ayaa u qabtay. Igama aha buunbuunin, maxaayeelay ma’nin dhintay baa buunbuunin u baahan, maxayse u tari” taana warcelinteeda idinka aan idiin dhaafo. Miyaan idinku dheerey iga raali ahaada.

Xididka dhigaha marka uu helo ee uu soo qodo inta aanu goyn ayuu u yeedhan jiray kolba dumarka u odhow ee xoolaha la’jooga ama hawl kale ku foogan. Kolkaasuu ku odhan jiray xididkan ii qiyaasa inta dhigta noqonaysa . Dabadeedna kolka ay u qiyaasaan ayuu la soo bixi jiray dhigta. Haddii uu markaa dhawr dhigood la’soo baxo waxa dhaqan u hayd  inuu wax ka siiyo mid ama laba waxay doonaan ha’noqdaane. Allow u naxariiso annaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal{Aammiin}.

Tanina waa arrin kale oo ka sii daran. Maydhaxda marka uu soo diirtana hablaha beesha ee ay isku degaanka yihiin ayuu u keeni jiray oo sidii dhaqanka u ahayd inta uu heshiis lagalo ayuu odhan jiray “Walaalayaal hablahow maydhaxdan inoo calaaliya oo duf iyo badhoof xadhkaha iyo kebdaha aynu ka samaysano inooga dhiga damabadeedna inoo qaybiya oo badhna qaata badhna isiiya. Dabadeedna qaybtiisa ayuu in ka mid ah xadhkaha ka soohi jiray inta kelana kebeda iyo Cawska ayuu kula samayn jiray hooyadii iyo dumarada kale ee caawinaaya. Allow u naxariiso annaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal {Aammiin}.

Miyaan idinku dheereeyey iga raali ahaada.

Intaa dabadeed hooyadii Diidan X.Aadan sida dhibicda roobka oo kale ayey Sh.Axmed ducada kaga dhigtay, kamay baaqanine ifka ayuu ku helay, dad iyo duunyo mar keliya ayuun baa illaahay u maansheeyey. Bad iyo berriba warasadiisii ayuu illaahay ku barwaaqeeyey. Waxa laga yaabaa inta dhoofka ku kala maqan ee baduhu ay kala xidheen qaarkood in aanay weli is arag. Inta joogtaana waa qayro balaadhan oo wiil iyo gabadhba leh. Reer adduunyo waase reer aakhiro {Allow dhawr oo isha iyo intii muruxsan gaashaan dheeg wiyileed ah uga dhig} Aammiin.

Taasina waa tacabkii uu dhigtay. Waa ducadii hooyadii oo aan habeenna u soo dhixin. Nin waliba wixii uu waalidkii dhigtay ayuun baa u yaala, intase garanaysaa way inagu yar tahay. Taana illaahay hayna garansiiyo {Aammiin}.Haddaan idinku dheereeyey iga raali ahaada.

Intaa kadib Sh.Axmed Cali-weerar waxay hooyadii u samaysay suugaan layaableh oo isugu jirta ammaan, dhiirigelin iyo duco oo aan ahayn male-awaal oo si dhab ah laabteeda uga soo go’day. Waxa ka mid ahaa buraanburkan. Macnaha meerisyadiisa marka aad dhuuxdana haddii taqaanay sheekh Axmed Cali-weerar waxa hubaal ah inaad garwaaqsan doonto. Maxaa yeelay isaga oo doob ah  oo aan xillo yeelanin ayay buraanburkan u tirisay.

Waxaanay ugu sii ducaysay Innamo badan, Cimri dheer, haybad iyo guul uu ku noolaado.Inkasta oo suugaantaasi ay luntay oo dadkii hayey ay madheen, haddana meerisyada hal-qabsiga noqday ee weli la xasuusan yahay waxa ka mid ah:

Waa mid weynaadayoo wiilal aada dhalay

Waa mid sodoh ii noqdoo eebe igu sandahay

Waa mid inan ii noqdoo aqalka ii dhexyaal

Waa mid cawrala-darbaneey laygu dandayey

Waa mid ninkii ii xun iyo nacaba iga xasladay

Waa mid guulaystayoo eebe igu galaday

Waa mid weynaadayoo waayo badana jiray

Sheekh Axmed Cali-weerar hooyadii Diidan X.Aadan qaybtii dambe ee nolosheeda waxa isugu darsamay taws iyo gabow dabadeedna xaal adduun baa iskaga darsamay kolkaasay dhul yaal noqotay. Allow kuu naxariiso {Aammiin}. Dabadeedna sidii dhaqanka u ahayd ee naxariista badnayd ee waalid adeeca  ahayd ee uu hooyadii ugu samo-fali jiray ayuu markaana kama xaragoonine u xanaannayn jiray.

Cid kalena  kumuu aamini jirin kol ay xaaskiisa ku tahay isaga uun baa ku werweri jiray daryeelka hooyadii.. Allow kuu naxariiso {Aammiin}.

SH.AXMED IYO AABIHII CALI-WEERAR MAXAMED SHARMA’ARKE

Illaahay haw naxariistee Cali-weerar  waxa uu ahaa deeqsi faxal ah, waa sida naanaystiisa ka muuqata’e waxa uu ahaa geesi gaashaan qaad ah oo aan wadnihiisu galowda aqoon,karti iyo quruxna inta ragga lagu majeerto ayuu ku caan ahaa.

Xilliga Cali-weerar noolaa waxa uu ahaa xilli shiddo iyo dhibaato badan leh oo kol walba wadnaha farta lagu wada hayo. May hawl yarayn ninku inuu gabadh qurux leh guursado oo qoys magac leh ka soo jeeda.

Wuxuu ahaa xilli adag oo ay raganimadu ku astaamaysan tahay  awoodda muruqiisa iyo ridada warankiisa nin waliba wixii uu ku goosan karo. Maxaayeelay dumarka ayaa laka dhacaayey , geela iyo fardahana waa la’kala qaadaayey, mararka qaarkoodna ceelka iyo carshinta ayaa laysku dilaayey oo la’kala qabsanaayey. Xilliga sidaa ahaa nin rageed kelyo adag leh ayuun baa ka soo bixi jiray oo waxa uu hiyiga geliyo soo taabi jiray.

Habeenkii gaafka ahaa ee arooskii Cali-weerar ayaa la’yidhi dhalinyaradii gabyi jirtay arooska yaanay soo gelin. Dabadeedna waa rag ilma’adeer ah oo caanaha wada dhami jiraye kolkii waagu baryey ayaa lays dacaayadeeyey, kaftan hoose oo aan turxaan lahayn ayaa laysku tuurtuuray. Dabadeedna dhalinyaradii xalay arooska loo diiday ayaa tidhi “Arooskii xalay waxa ka gabyey Xaashi Maxamed Sharma’arke oo yidhi waxaan ammaanayaa Cali-weerar iyo Diidan oo wuxuu yidhi :

Cali-weerar cadaa

Alla Diidan cadaa

Arooskeenu cadaa

Faraskiisu cadaa

Kaasina hadalkii Xaashi muu ahayn. Maxaayeelay Xaashi wuxuu ahaa nin geedka looga yeedho oo hadal yaqaan ah.

Xaashi Maxamed iyo Cali-weerarna walaalo ayey ahaayeen oo labadoodaba waxa dhalay Maxamed-fadhiid Sharma’arke Aadan. Xaashi ayaana ka weynaa

Cali-weerar, illaahay dhammaantoodba haw naxariistee {Aammiin}

Waxa la yidhi wadaad caan ahaa oo la’odhan jiray Sayid Maxamuud Aw-Cali Qabax ayaa beeshii saldanada ahayd ee Isaaq xoolo u soo doontay , waa sida la’yidhiye Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax madal uu xoolo ka yaboohinaayo ayuu Cali-weerar isa soo taagay. Dabadeed Sayid Maxameuud Aw-Cali Qablax ayaa yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo ku yaboohay boqol qaalmood oo wada  ina Mayliig ah”.

Dabadeedna Cali-weerar baa yidhi: “Sayid Maxamuudow qaalinta kowaad anigaa ku yaboohay” kolkaasuu Sheekhii intuu u duceeyey guddoon yidhi.

Mar labaad ayuu haddana Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo qaalinta labaad ku yaboohay” Markaasaa la’hadli waayey dabadeedna  Cali-weerar baa yidhi “Qalinta labaadna aniga”.

Mar saddexaad ayuu sidii oo kale Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo qaalinta saddexaad ku yaboohay”. Markii saddexaadna Cali-weerar baa yidhi”Aniga ayaa ku yaboohay”. Waa yaab iyo dheygag, waa arrin aan maankooda dad badan u daadagaynin oo inta garashada yari ay u qaadan doonaan buunbuunin iyo naaxnaaxin aan run ahayn. Waase xaal gobeed oo uu waayeelka dad aqoonka ahi garwaaqsan karo.

Arrintu markay halkaa marayso ayuu Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax isaga oo Cali-weerar la’yaaban ku yidhi: “Inshaa allaahu tacaalaa ee dadka ducada haka wada qaadan” dabadeedna intuu dhabarka ka dhirbaaxay ayuu ku yidhi” inshaa Allaahu taacaalaa mid sidayda oo kale ah ayaan kuugu duuceeyey”. Waayeelkii arrintan ka sheekeeyeyna waxa uu yidhi Sh.Axmed Xilligaa ayuu calool galay, ducadii wadaadkana waa la aqbalay.

Dhammaantoodba way inaga hooseeyaan. Allahayow u naxariiso annaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal{Aammiin}.

Iga raali ahaada idinku dheereeyey.

HAYBADDII IYO TARANTII SH.AXMED CALI-WEERAR

Illaahay haw naxariistee Sh.Axmed Cali-weerar wuxuu ahaa Sheekh magaciisu gaadhay degaanno badan oo ay soomaalidu ku nooshahay. Wuxuu lahaa weji iftiimaya oo had iyo goor farxadi ka muuqato, daymada indhuhuna aanay daalin; wuxuu lahaa cod lab oo doob weyni saldhig u tahay.

Qasaa’idka marka uu qaadaayana lama luloon jirin oo lagama daali jirin. Wuxuu lahaa sawd ku soo jiidanaya oo aad dhegaha lasii raacayso. Qasaa’id badana  Nebi Maxamed  buu u sameeyey(C.S.W). waxaanu qoray kitaab la’yidhaa (Jaamic-Madxul Rasuul-Wasaalixiin} oo ka kooban asmaadii illaahay iyo qasaa’id Nebi ammaan ah oo aan weli ladaabacin. Intii taqaanay ayuun baan xasuusinayaa inta maqashay ee aan aragna waxaan isleeyahay ugama wada sheekayn karayo ee wax xoogaa uga taataabo oo u yara guud mar.

Wuxuu lahaa gacan furan oo waxay soo qaado durbadiiba sii bixisa, iyo haybad aan la’hor istaagi jirin.  muu aqoon wax dhigshada, yamxeerinta iyo ka dayrinta xaaladaha nolosha, had iyo goorna waa lagu soo hiran jiray oo la’martiyi jiray. Uma baahna ammaan badan taana yaan ku fogaanin.

Si’gaar ahaaneed wuxuu ugu roonaa waayeelka tabaalaysan iyo dadka jilicsan ee maatida ah. Allow kuu naxariiso {Aammiin}. Wuxuu ahaa xog-ogaal xigtada jecel oo qaraabada xidhiidhiya. Wuxuu lahaa hadal u badan ammaan, dhiirigelin iyo carrab ducadu ka qoyan tahay oo qalbiga qofka wax u taraya.

Xilligii ingiriiska ayuu Sh.Axmed magaalada hargaysa yimid dabadeedna1947-kii  ayuu ka mid noqday askartii ingiriiska. Waxaanu maamuli jiray saadka iyo baatroolka askarta, waxaanu ka tirsanaa guutadii la’odhan jiray Soomaali iskoot. Dabadeedna xilligaa ayuu ka qayb galay siyaaradii Sh.Yuusuf Alkawnayn ee Aw-barkhadle lagu dhigi jiray oo uu kula kulmay Sh.Xuseen Nuuriye. Dabadeedna shaqadii askarinimada ahayd ayuu ka tagay xilligaas oo ay taariikhdu ahayd 1957-kii.

Waxaanu raacay xertii Sh.Xuseen Nuuriye oo Qaadiri ahaa isagaana macalin u noqday oo Quraanka iyo Cilmiga diintaba u dhigay. Sh.Xuseen Nuuriye wuxuu isaguna ku aasan yahay Lafta boqor oo ku taala Gebilay. Sh.Xuseena wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Maxamuud Macilin Cumar oo isaguna Nagiile ku aasan,Sh.Maxamuudna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.C/salaan X.jaamac oo isaguna Jigjiga ku aasan, Sh.C/salaana wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.C/raxmaan-Saylici oo isaguna Qulunquul ku aasan, Sheekh C/raxmaan-Saylicina wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Ismaaciil Maqdishi oo isaguna Muqdisho ku aasan, Sh.Ismaaciilna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sayid Xamse oo Canfari ahaa, Sayid Xamsena wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Caydaruus Al-Cadami oo isaguna Cadan ku aasan, Sh.Caydaruusna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.C/qaadir-Jaylaani. Sidaasaanay daraqiidu u sii soconaysaa ilaa ay ka galayso Sayid Cali.

Xertii Sheekhuna waxay kala joogtaa dhammaan degaanka soomaalidu degto oo dhan.

Haddaba intii uu noolaa Sh.Axmed Cali-weerar wuxuu guursaday sagaal haween ah, waxana u tarmay oo ay ubad isu dhaleen lix ka mid ah haweenkii u dhaxay. Haweenaydii ugu horraysay oo Cibaado Axmed mire  la’odhan jirayna wuxuu guursaday sannadkii 1955-kii. Lixda bahood ee u tarmayna waxay kala ahaayeen: Cibaado Axmed Mire , Maryama Cumar Xasan,

Sahra Xasan Jaamac-dhegjar, Hibo Aadan-guunje,

Maryama Biixi-Dhegoole  iyo Deeqa Xaashi Shire oo ahayd minyaradii ugu dambaysay.

Sh.Axmed caruurtii uu dhalay iyo intii ay sii dhaleen kolka laysku daro inta nooli wadar ahaantood waa boqol iyo shan iyo toban qof (115-qof). Waa  beel balaadhan, waxaanay wiilashiisu ku kala nol yihiin dalka gudihiisa iyo dibiddiisaba. Waxay kala joogaan : Soomaaliland ,Itoobiya(killalka Shanaad) Kiiniya , Jabbuuti, Soodaan,  Baxrayn,  Ingiriiska, Dheenmaarig iyo Fiilaan.

 Sh.Axmed Cali-weerar illaahay haw naxariistee wuxuu ka mid ahaa culimadii waaweynayd ee ka soo qayb qaadatay dib u xorayntii dalka ee kaga qayb gashay ducada iyo dhaqdhaqaaqa diimeed. Dad badana wuxuu sii baray Qur’aanka kariimka ah, waxaanu kaalin weyn ka qaatay faafinta diinta islaamka.

Gebogebo:

Ugu dambayn waxaan tacsi u dirayaa ummadda islaamka ah ee uu ka baxay Sh.Axmed Cali-weerar si’gaar ahaaneedna waxaan uga tacsiyaynayaa boqolka iyo shan iyo tobanka qof ee uu ilaahay ka beeray. Waxaan leeyahay wadar ahaanteenba illaahay beddel kheyr qaba kaalintiisii haynoogu beddelo. Dhammaanteenna wuu inaga baxaye illaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo. {Aammiin,Aammiin.Aammiin). Innaalillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

W/Q/DIYAARIYEY: MAXAMED AXMED-BEDEL X.MAXAMUUD

{Macalin Jaamacadda Hargaysa Suugaanta ka dhiga,barnaamij soo saarha Fanka iyo Suugaanta Radio Hargaysa}

EMAIL: Qalin-maal@hotmail.com mob: +0634112442…Dhammaad