Daawo Puntland oo Mabnuucday Gaadiidka Soomaaliya ka yimaadda iyo Baabuurta Qaadka qaada

Garoowe(Aftahannews):- Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa markii ugu horreysay dhulka uu ka taliyo ka mabnuucay Gaadiidka Badeecadaha kala duwan iyo Xoolaha ka soo qaada dhinaca Koonfurt Soomaaliya, isla markaana ku amray inay Gaalkayo Ku rogaan wax kasta oo ay sidaan.

Sidoo kale, Maamulka Puntland waxa uu Manbuucay Gaadiidka ama Baabuurta Qaadka geliya ama geeya Puntland, isla markaana waxa Ciidanka Ammaanka lagu amray inay la wareegaan Gaadhi kasta oo Puntland Qaad ama Jaad geliya, isla markaana Gubaan Jaadka Saaran ama uu sido.

Waxaa sidaa lagu sheegay laba Wareegto oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo uu ku Saxeexnaa Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camay. Waxaana labadaas Wareegto ee awaamiirta ama amarrada kala duwan ee culus sida Saxaafadda u akhriyey Maanta Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Qur’aan-Jecel).

Afhayeenka Madaxtooyada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Wareegtooyinkaas Warbaahinta u Akhriyaya Qodobbada ay ka kooban yihiin oo sidoo kale ay ka mid yihiin inaanu Qaadku cid gaar ah Kooto ugu xidhnayn ee cid weliba keeni karto, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan HOOSE EE DAAWASHO WACAN OO WANAAGSAN:-

aftahaninc@gmail.co

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.