Xisbiga WADDANI oo jawaab ka bixiyey Waraysi aannu la yeelannay Jaamac-Shabeel

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka jawaabay waraysi uu shalay siiyey Shabakadda Aftahannews Guddoomiyaha Golaha dhexe ee ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel uu ku sheegay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay ka qayb-galayso oo kaliya Xukuumaddu.

426

Jaamac-Shabeel, ayaa Waraysiga ay Aftahannews la yeelatyay, ku sheegay in Xisbiga WADDANI iyo cidda kale ee Mucaaridka ah ee Suuqa ka hadlaysaaba ay Shicib ummadda ka mid ah yihiin, isla markaana aanay ka hadli Karin arrinta wadahadalka iyo cidda tagaysa ee ay taasi gaar u tahay cidda ay ummaddu masiirkooda ku aammintay oo uu sheegay inay tahay Xukuumadda Xisbiga KULMIYE.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa isaga oo hadalka Jaamac-Shabeel ka jawaabaya waxa uu yidhi “Qaddiyadda Somaliland lama odhan karo Xukuumaddaa u xil-saaran, waa qaddiyad aanay go’aankeeda lahayn Xukuumadda oo keliyi, waa qaddiyad ka dhalatay dareen shacab iyo go’aan shacab, ka go’aan gaadhisteedana ay shacabku xaq u leeyihiin inay saacad saacad ula socdaan halka ay marayso.”

“Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye iyo ciddii kale ee sidaas u hadashaaba inay tahay cid iska indho-tiraysa xaqiiqada oo aan jeclayn inay runta waajahdo ayaannu u arkaynaa. Qaddiyadda Somaliland-na maaha wax la qarin karayo, waa qaddiyad Xisbiyada iyo shacabka u taalla ka go’aan-gaadhisteedu oo waxa lala tegayo shirkaasi ahaado wax aan madow ku jirin oo la isku wada raacsan yahay.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.