Oodweyne oo lagaga muddaharaaday Wasiir Xirsi iyo Wefti uu hoggaaminayo iyo tirada dadka la xidhay

Oodweyne(Aftahannews):- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi cali X.Xasan oo saaka ay ku mudaharaadeen Gaadiidlayda Baabuurta waaweyn ee Raashinka u kala daabusha Gobolada dalka oo maalmahanba tubnaa katroolka waqooyiga Burco, oo ka cabanaayey canshuurta wasaarada Madaxtooyadu dul-dhigtay ama ku soo rogtay ayaa barqadii ka dhuntay,una baqoolay magaalada Oodweyne halkaas oo kooxo isagu jira Cuqaal,odayaal  iyo suldaan ka soo jeeda degaanka Oodweyne oo ka anbabaxay Hargeysa ku sugayeen,Hase yeeshee wuxuu halkaas  kala kulmay wejigabax,shaqaaqo iyo mudaharaad si weyn loogaga soo horjeestay qorshuhu halkaas ku yimi.

xirsi6-215x295

Wasiir Xirsi oo ay wehelinayeen wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo xildhibaan Maxamed Yuusuf Axmed “Waabeeye” oo ka tirsan xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ugu jira golaha wakiilada oo iska raacay Burco ayaa gaadhey Oodweyne goor dahweyd ,waxayna markiiba abaareen hoolka dawlada hoose ee Oodweyne halkaas oo kooxihii ka anbabaxay Hargeysa ugu  diyaariyeen boqoleeyo qof ku dhawaad iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada degmada oodweyne laga doortay.

Hase yeeshee Wasiir Xirsi ayaa khudbad halkaas ka bilaabay, waxaanu carabka ku celceliyey in wixii hanti ama lacaga ee reer Oodweyne hore looga hayey ama looga ururiyey dalka iyo debedaba wadada wax lagaga qabtay oo aanay waxba ka nooleyn,wixii ay hadda reer Oodweyne hayaan sida xoolo Nool oo  lagu qiyaasey ku dhawaad ilaa 3000  oo neef oo dadka reer miyiga ah ee Oodweyne iyo nawaaxigiisa ku dhaqan laga soo ururiyey iyo wixii ay lacag hayaanba inay ku soo wareejiyaan,wixii ka dhimana laga filaay inay soo dhamaystiraan oo soo kaamilaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu dhismaha wadada la wareegaayo. Yeelkeedee markii wasiir xisri khudbadiisii bogay ayaa waxaa mikirifoonka la wareegay xidlhibaan ka tirsan golaha degaanka oodweyne Sadiiq Maxamed Nuur hase yeeshee isagaan hadlin ayaa qoladii xirsi la socotay Mikirifoonkii ka daftay,waxayna sheegeen inaan cidina ka daba hadlayn wasiir xirsi.

Hase yeeshee markii xildhibaankii iyo dadkii kaleba loo diiday inay hadlaan, ayaa buuq laysla oogsadey,askartii xirsi la socotayna xabado cagajuglayna ayey dadkii ku rideen,Xirsi iyo weftigii la socdayna shiid baa lagu asqeysiiyey oo dhagaxa sida roobka ooda lagaga qaaday,baabuurtoodiina qaar ayaa muraayadaha laga jejebiyey.

Taa ka sakow askarii ayaa dadkii mar kale lagu dalbaday,dhinac kastana rasaas ayey u fureen,aakhirkiina waxayna qabqabteen oo xabsiga dhigeen ilaa sadex ruux oo mid ka mid ah dhalinyarada Magaalada,

Waxaana dadkaa la xidhxidhay ka mid ah wiil uu dhalay Mujaahidkii weynaa ee SNM- Abdiraxmaan Madaxdiin oo weliba askartu dhaawacyo iyo nabaro gaadhsiisey ,waxaa kaloo la xidhay isna wiil uu dhalay mid ka mid ah mujaahdiintii SNM ugu magaca waaweynaa oo la yidhaahdo  Maxamed Cabdillahi Aar Cawed, sidoo kale waxa ay dhalinyaro ay feedh la dhaceen Suldaan  Good, xaga hal askari oo kuwii rasaasta ridaayay afka dhagax ka haleelay isla markaasina uu waayay ilkaha hore.

Wasiir Xisri iyo xubnihii weftigiisa ee la socday oo cagaha wax ka deyay markii lays galay aya gabaad ka dhigaty guri ku yaala koonfurta Odweyne  halkaas oo ciidan booliis ah oo badani ku ilaalinyaan,sidoo kale waxaa meesha ka yaacay oo mgaalada iskaga baxay koox oday dhaqameedyo xalay niskii danbe ka anbabaxay Hargeysa si ay wasiir Xirsi Oodweyne ugu soo dhaweeyaan.

Xigasho Qarannews.