Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afaafka Huteel Jaziira

Muqdisho(Aftahannews):- Qaraxyo Ismiidaamin ah oo is-xigay loona adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee hoteel Jaziira ee Muqdisho oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo la sheegay in ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Hoteel_Jasiira_Muqdishoqq

Qaraxa hore ayaa ka dhacay illinka hore ee hoteelka iyadoo mas’uul ka tirsan maamulka hoteelka uu sheegay in muraayadihii ay ka daadeen hoteelka, balse aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka hoteelka deggen, iyadoo agagaarka hoteelka laga maqlayo dhawaqa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee dhaawacyada qaada.

Goor dhow ayaa sidoo kale waxaa dhacay qarax kale oo ahaa gaari agagaarka hoteelka la soo dhigay, waana markii labaad oo hoteelkan qarax ismiidaamin ah lala beegsado, iyadoo la xusuusto sannadkii 2012-kii sidan oo kale ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacyo, xilligaas hoteelka uu deggenaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor la doortay, isagoo kulammo la lahaa wafdi ka socday Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dhimashada iyo dhaawacyada dhowr markii uu dhacay qaraxii koowaad, iyadoo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyadan, mana jiraan wax war ah oo weli kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan qaraxyadan.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay goor dhow iyadoo khasaaraha uu geystayayaa aan weli si rasmi ah loo ogaan karin, waxaana xilligaas goobta ka socday gurmad loo sameyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii hore.

Ciidamadii ilaalada ka hayay hoteelka iyo kuwo kale oo iyaguna ilaalo ka hayay dhismayaal ku dhow hoteelka ayaa furay rasaas badan, lamana oga khasaaraha iyagana ay dhaliyeen iyadoo xaaladda hoteelka iyo agagaarihiisa ay tahay mid aad u cakiran hadda.

Qaraxyadan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta uu billow yahay sannadka cusub ee 2014-ka, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, sidoo kalena weli xukuumadda Soomaaliya kama aysan hadlin.

Xigasho Hiiraan.com