Carwo Caalami ah oo Hargeysa laga furay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta furay Carwada Lixaad ee Ganacsatada Somaliland ku soo bandhigayaan Ganacsiyadooda kala duwan.

P1060550P1060574

P1060560 P1060562 P1060580P1060584

Carwadan caalamiga ah oo noqonaysa tii lixaad ee nooceeda ah ee Somaliland laga faro, ayaa maanta ka furantay Hoolka Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa ka qaybgalay Shirkado tiro badan oo Ganacsiyadooda halkaas ku soo bandhigay, Madax tiro badan oo Xukuumadda ka socotay, masuuliyiinta Shirkadaha kala duwan iyo dadweyne badan.

Jaamacadaha dalka qaarkood, ayaa Carwadaa maanta ku soo bandhigay Maadooyin ay qiimo-dhimis ku sameeyeen oo ciddii u baahan inay maaddooyinkaas ay bixiyaan Jaamacadu dhigtaan ay isla goobta Carwada laga furay iska diiwaangelinayso.

Munaasibadda lagu furay Carwadan, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyay masuuliyiinta shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaasi oo shacabka booqdan doono Carwada u balan-qaaday qiimo dhimis.

Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo Carwadan furay, ayaa halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo ugu talo-galay furitaanka Carwada, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay Carwadan, isaga oo xusay inay tusaale u tahay horumarka dhinacyada nabadgelyada iyo ganacsiga ee ay Somaliland gaadhay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.