Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga oo Madax-furasho ka Qaadda Dadka Tarxiilka iyo Xaamilo Xabsiga Riyad Ku Geeriyootay

“Lix boqol oo qof oo Soomaali ah ayaa sheegtay Itoobiyaan oo la xihiidhay Safaaradda Itobiya, markii ay Safaaradda Soomaaliya Madax-furasho ku xidhay….” Mid ka mid ah Soomaali ku xidhan Riyaad Cali Muuse

Riyadh(Aftahannews):- Haweenay Soomaaliyeed oo Xaamilo ah, ayaa ku geeriyootay Xabsi ku yaalla magaalada Riyaad ee dalka Scuudiga, ka dib markii la soo xidh-xidhay Soomaali badan oo ay ka mid ahayd Marxuumadda geeriyooay oo dalka Sucuudiga sharci-darro ku joogay, lana donayay in loo mstaafuriyo Soomaaliya.

saudi13-600x391

Mastaafurintaas ayaan dhicin ka dib markii sida ay sheegeen qaar ka mid ah Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xidhan dalka Sucuudigu ay gurmad ka waayeen Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, taasoo sababtay in lix boqol oo qof oo ka tirsan Soomaalida ku xidhan jeelasha magaalooyinka Jidah iyo Riyad inay la xidhiidhaan Safaaradda dalka Itoobiya ee Scuudiga.

Soomaalida Maxaabiista ku ah dalka Sucuudiga, ayaa Safaaradda Soomaaliya ku eedeeyay inay lacag maxad-furasho ah ka qaaddo dadka Soomaalida ah ee la mustaafurinayo, iyagoo intaa ku daray cidda lacagaas bixin weyda inay Xabsiga ku illaabaan.

Cali Muuse nin magiciisa ku sheegay oo la hadlay Warbaahinta, ayaa intaa k daray inay aad  tabaalaysan yihiin, isla markaana ay gurmad u baahan yihiin Soomaalida uu ka midka yahay ee Xabsiyada Sucuudiga ku jiraa.

“Safaaradu waxba nooma qabato, laakiin waxay lacag ka qaadataa dadka la tarxiilayo qofka bixiya saddex kun oo Riyaalka Sucuudiga ah,700 illaa 800 boqol qofka bixiya ayay u oggolaataa in Soomaaliya loo mustaafuriyo. Annagu halkanna dhibaato ayaannu ku qabnaa mana haysanno Safaarad aannu tagno  iyo Dawlad aannu leenahay oo naga wakiil ah, mar kastana Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudigu way xidhan tahay cidina ma joogto Masuuliyiinteeduna Suuqa ayay lacag kaga qaataan dadkaa tabaalaysan.” Sidaa ayuu yidhi Cali Muuse.

Waxaanu Cali Muse oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Lix boqol oo qof oo Soomaali ah ayaa sheegtay Itoobiyaan oo la xihiidhay Safaaradda Itobiya ee dalka Scuudiga oo sidaa loogu mustaafuriyay dalka Itoobiya, Ciidanka Sucuudiga ee Jeelka nagu hayaa markaannu nidhaahno dalkayagii noo mustaafuriya waxay nagu yidhaahdaan Safaaraddiinnu wali nomay soo gudbin liiskiinna. Markaa, annagu idinma haysanno ee Safaaraddiinna ayaan wali idin soo oggolaan. Meesha nolol kuma haysanno, cunto nadiif ah ma helno, Caafimaadkayagu ma wanaagsana.

Cali Muuse waxa uu sheegay inay Haweenay Xaamilo ah oo Uur lahayd ay Xabsiga Riyad ee ay Soomaalida badani ku xidhan yihiin kaga dhimatay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Habeen hore Gabadh xaamilo ah ayaa Jeelka nagaga dhimatay. Markaa, waxaannu ka codsanaynaa dawladda Soomaaliya inay naga soo gaadho Safaaraddan dadkayagaa dhibban ka doonaysa lacagta madax-frashada ah si naloo mastaafuriyo.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.