Faysal Cali Waraabe: ” Biixi Iyo Farmaajo Way Soo Heshiiyeen, Laakiin Markii Uu Arkay Mawjadaha Shacabka Ayuu Isbedelay

Hargeysa (Aftahannews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay khudbadii uu Madaxweyne Biixi uu ka hor jeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland, isagoo sheegay in uu hayo xogo la xiriira kulankii Addis-Ababa.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in diidmada Biixi ay timid kadib markii uu arkay in dadweynaha reer Somaliland ay si weyn uga hor-yimaadeen safarkii la hadal hayey ee Farmaajo ku imanayey Hargeysa.

Faysal Cali ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay gaareen heshiis hoose, kaasi oo horseeday in Raysul wasaare Abiy Axmed uu ku hirto in uu Farmaajo isku soo raacaan Somaliland.

Faysal ayaa waxa kale oo uu sheegay in ‘Diidmada qayaxan’ ee uu Muuse Biixi ku diiday imaanshaha Farmaajo, ay tahay mid ay ku kalifeen shacabka reer Somaliland, balse uu go’aankiisu ka badalnaa markii hore.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shaaciyay in uu hayo Xogo la xiriira kulankii Madxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku dhex-maray magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

“Waxani waa wax ay ku soo heshiiyeen markuu arkay mawjaddii shacabka Somaliland ayuu is baddalay, xogo kalana waan hayaa iyo waxaa ku kallifaya” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Madaxweynaha Somaliland, oo maanta khudbadii sanadlaha aheyd ee Dastuuriga ka horjeedinayey labada gole ee baarlamaanka, ayaa sheegay in uusan marnaba ogolaaneyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelin uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyey xasuuqii dowladda kacaanka ay ku qaaday Somaliland, isagoona arrintaasi ku sheegay mid kedis ku noqotay oo uusan fileyn.