Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Abaal-marin Ku Maamustay Shaqaalaha ugu Fiicnaa 2019-ka

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Shahaadooyin iyo Abaal-marin guddoonsiiyey Tobankii Qof ee Shaqaalaha Wasaaradda ugu Shaqada fiicnaa sannadkan dhammaanaya ee 2019-ka iyo Xubno Shaqaalaha ka tirsan oo Tabobbar muddo u socday dhammaystay.

Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Magaalada Hargeysa ee Shaqaalahan lagu abaal-marinayey Ka sokow Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaaradaha Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dowaldda, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Culimo, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horreyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa faahfaahiyey marxaladaha kala duwan ee ay Wasaaraddu soo martay iyo abaal-marinta Shaqaalaha. Waxaanu sheegay in labada Sano ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka hayey in wax badani u qabsoomay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ha ugu horreyso diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah iyo Macallimiinta dhiga, samaynta Manhajka Maddaarista, tayaynta iyo tabobbarista Shaqaalaha, xoojinta wacyigelinta Diiniga ah, Isku-xidhka Culimada Dalka iyo qodobbo kale.

“Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu muddadii uu xilka hayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dalka ka talinayey Wasaaraddu waxay gaadhay guulo waaweyn oo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta Maddaariista Diiniga ah, Manhaj u samaynta Maddaarista, tabobbarro shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda la siiyey.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu.

Agaasime Aadan Cabdillaahi, waxa uu intaas ku daray; “Halkan waxaynu u fadhinaa inaynu Shahaadooyin siinno 11 Xubnood oo shaqaale ah oo tabobbar dhinaca Xisaabaadka ah oo muddo bil ah u socday u dhammaaday, waxaan rabaa inaan u mahad-naqo Macallinka Tabobbarka bixinayey Eng. Axmed Qaalib. Shaki kuma jiro inay wax wanaagsan tahay in qofka Shaqo fiican qabta la yidhaahdo mahadsanid, Diinteenna suubbanina aad bay u ammaantay. Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guud ahaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda gobol iyo degmo meelkasta oo ay joogaanba, waxaan gaar u bogaadinayaa shaqaalaha tabobbarka dhammaystay iyo shaqaalaha ugu shaqada fiicnaaday sannadkan dhammaanaya ee 2019-ka.”

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Liibaan Ismaaciil Buraale, oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi; “Munaasibaduhu markay dhiirrigelin iyo abaal-marin iyo isqiimayn yihiin, waxay tilmaamayaan inay jiraan isla xisaabtan iyo ku dhaqanka sharcigu.”

Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa isna soo dhaweeyey qiimaynta iyo abaalmarinta shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo awqaafta, waxaanu yidhi; “Hay’adda Shaqaalaha dowladdu wareegto ayey soo saartay bishan horraanteedii ay ku wargelinayso hay’adaha dowladda inay warbixintooda shaqaalaha soo gudbiyaan oo aannu doonayno in lagu ogaado inta dedaalka samaysay, markaa warbixintaas oo 25-ka December ku muddaysnayd inay ka soo hormaraan Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waan ku hambalyeynayaa.”

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Cabdillaahi Albaani, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay. Iyaga oo Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku ammaanay isku haynta culimada iyo dedaalka hufan ee ay ku horumarinayaan Wasaaradda oo ay ku tilmaameen mid muhiimad weyn u leh Dalka, Dadka iyo Diinta Islaamka ee ay Qaranka Somaliland Masuulka uga tahay. Waxaanay Wasiirka Diinta iyo awqaafta ku ammaaneen isku haynta Culimada dalka.

Macallinta muddada bisha ah tabobbarka u wada shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta Eng. Axmed Qaalib Ismaaciil, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu ammaanay dedaalka iyo xil-kasnimada ay shaqaaluhu joogteeyeen inta ay waxbarashada ku jireen, isagoo ku teliyey in waxbarasho intaa ka sii sarraysana lagu aammini karo shaqaalaha uu tabobbaray, marka loo eego tayadooda, doonistooda iyo dedaalkooda-ba.

Wasiirrada Wasaaradaha Dastuurka iyo Xidhiihdka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Maxamed Mire, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyey tallaabada ay Madaxda Wasaaradda Diintu ku dhiirrigelinayaan Shaqaalaha.

Agaasimaha Waaxda Masaajidda iyo Maddarashada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sacda Axmed Cabdi, ayaa iyaguna hadallo ay ugu mahad-celiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda halkaas ka jeediyey.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Guddi qiimaysa ay u saareen Shaqaalaha, guddigaas oo si hufan u qiimeeyey, kana soo saaray tobonkii qof ee ay u arkeen inay ugu shaqo wacnaayeen ama dedaal badnaayeen sannadka dhammaanaya ee 2019-ka, waxaanu ugu hambaleyeeyey dedaalkooda iyo shaqo-wanaaggooda.

“Waxaan u mahad-naqaynaa oo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda, 10-ka qof ee lagu maamuusay Shan baa Haween ah, Shanna waa Rag. Waxaan u mahad-naqayaa Guddiga qiimaynta samaysay, waxa jira Dad mudnaa in la abaal-mariyo oo aan halkan idiinka muuqan, laakiin tobankii qof ee ugu sarreeyey qiimaynta guddigu samaysay ayuun baa la xusay. Waxaan leeyahay walaallayaal, Illaahay ayaad abaalkiinna ka helaysaan, walaalladiin, ehelkiinna iyo madaxdiinna ayaad ka helaysaa. Shaqaaluhu markuu qiimayn galo waxa uu dareemayaa in isla xisaabtan jiro, in lala socdo, in isqiimayn iyo abaal jiro.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Gebo-gabadii waxay Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale, Abaal-marinta ay mutaysteen iyo Shahaadooyin halkaas si wada-jir ah ugu guddoonsiiyeen Shaqaalaha ugu shaqada fiicnaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sannadkan sii galbanaya ee 2019-ka iyo Shaqaalaha Tabobbarka Muddada Bisha ah u socday dhammaystay, sidoo kale, waxa isna Shahaado Sharaf la guddoonsiiyeyoo iyagana halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey.

Iyaguna Geestooda Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, gaar ahaan Hablaha, ayaa Shahaado-sharafyo ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Awqaafta iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ay ku tilmaameen inay si guud uga shaqeeyeen horumarinta iyo cadaalad ku maamulka guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan Haweenka oo ay xuseen inay door fiican oo muuqda siiyeen.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waa Wasaaraddii ugu horreysay Wasaaradaha Somaliland ee abaal-marisa Shaqaalaha ugu shaqada fiicnaa sannadkan 2019-ka, taasoo dhiirrigelin iyo yididdiilo u ah Shaqaalaha shaqada wacan muujiyey iyo shaqaalaha aan dedaalin oo iyaguna boodhka iska tumi doona, waana tallaabo ku dayasho mudan oo tartan ay tayo fiican ku higsan karaan u abuuraysa shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda.

Warkan oo Muuqaal ah waxaannu sidoo kale idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.