Somaliland: Masuul Weeraray Masuul uu Marti u ahaa, Kashifayna Galdalooladiisa

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Arrimaha Qaxoontiga ee Somaliland Mr. Cabdikariin Xuseen Xinnif, ayaa hadal uu ka jeediyey madal lagu daah-furay dhisme iyo qalab cusub oo lagu kordhinayo Madbacada Qaranka, waxa uu ku beyaamiyey dulmi iyo duruufo ay qabaan Shaqaalaha Madbacaddaasi ka howl-gala, isagoo tilmaamay in maamulka looga baahnaa in ay daryeelka Shaqaalaha ka hor mariyaan ballaadhinta dhismeyaasha iyo qalabka.

Munaasibadan oo uu ku sugnaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan SOLTELCO iyo masuuliyiin kale oo ka socday madaxtooyada iyo laamaha kale ee Xukuumadda, ayaa waxa sidoo kale laga sheegay in Madbacada Qaranku tayo ahaan ka hoosayso dhammaan madbacaddaha kale ee dhiggeeda ah.

Warbixinta sida goobtaas waxa uga dhaceen iyo hadallada fadeexadaha Maareeyaha dul-hoganaya kashifay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.