Telesom Somaliland oo noqotay Shirkadda seddexaad ee dhaqaalaha ugu badan siisa Al-Shabaab

Waagacusubmedia:- Shirkadda Isgaarsiinta Telesom Somaliland ayaa lacag dhan shan boqol iyo lixdan kun oo dollar siisay horjoogaha Maleeshiyadda Al-Shabaab Ahmed Cabdi Godane sida Warbaahinta Waagacusub ogaatay.

telesom

Inkastoo amiirka Al-Shabaab uu ka mid ahaan jiray hoowlwadeenada ugu sareeyay Telesom Somaliland xilligii ay aheyd Al-Barakaat hadana 14 sano kadib ayaa la ogaanayaa inuu Shirkadda ku leeyahay saami dhan %9.

Sababta uu saamiga intaas la eg ugu yeeshay Shirkadda lama oga hasse yeeshee waxay dad xog ogaala sheegeen inuu saamiga loo qoondeeyay sanadkii 2012 kadib markii uu dhambaal xambaarsan dhaliil ugu diray Email.

“Telesom iyo laba Shirkadood oo Somaliland laga leeyahay waxay waligood bil walba iyo sanadkasta miisaaniyad dhaqaale siin jireen Ahmed Godane,waana sababta uu barnaamijka Zaad Service ugu shaqeeyo wali”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan hoowlwadeenada Telesom Somaliland.

Telesom Waa Shirkadda ugu weyn Gobolada Somaliland,waxaana lagu amaanaa adeegyada ay bixiso marka laga reebo Internet-keeda oo aad u liita ,lacagtiisuna badan tahay .Shirkadda waxaa nolol maalmeed ka helo boqolaal Somalia oo ka shaqeeya halka ay Saamiyo fara badan ku leeyihiin dad aan argagixiso ku lug laheyn oo Somalia.

Telesom Somaliland waxaa maamula nin heysta dhalashada dalka Canada oo lagu magacaabo Cabdi Kariim Mohamed Ciid,wuxuuna u dhashay qabiilka Isaaq gaar ahaan Beesha Ciidagale.

Cabdi Kariim Ciid oo walaalkiis uu yahay ninka dacwada ku oogay Jeneral Mohamed Cali Samatar wuxuu ka tirsanaan jiray urur diimeedkii Al-Itixaad,waana ninka bixiyay lacagta qareenada dacwada ku oogay Jeneral Samatar.

Si kastaba ha ahaatee,Cabdi Kariim Ciid waa nin afgaaban oo deganaanta iyo aamusnaanta kala mida Ahmed Godane hasse yeeshee si dhaba looma oga inuu aaminsan yahay xagjirnimada .

By Dahir Alasow

Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor in Chief of waagacusub Media, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through “the truthful tip of his truth pen”

Member of

VVOJ=Dutch Association of investigative Journalists

RSF= Reporters with out borders

IFJ= Iinternational Federation of Journalists

SOMIJ= Somali Investigative Journalists

SOLDA= Solda Safety Network

ASOJ= Associated Somali Journalists

SOMJON= Somali Journalists in Netherlands

dahiralasow@asoj.org

http://.dahiralasow.com

Tel:+31684863567

Skype : dahir.alasow

facebook.com/dahir.alasow

twitter.com/dahir.alasow1

XIGASHO WAAGACUSUBMEDIA.NET.