Haweenay Mustaqbalkeedii ku weyday Farriin ay Shirkadda TELESOM ugu dirtay Taleefankeeda Gacanta!

Hargeysa(Aftahannews):- Haweenay reer Somaliland ah, ayaa mustaqbalkii nolosheeda ku weyday farriin ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ugu dirtay taleefankeeda gacanta. Waxaana la shaaciyey inay TELESOM ka qayb-qaadato dhibaatooyinka Caafimaad-darro iyo marin-habaabinta Caafimaad ee Bulshada reer Somaliland kala kulmaan goobaha Caafimaadka.

telesom

Wasiir Ku-xigeen Xukuumadda ka tirsan ayaa sheegtay inay Taleefankeeda gacanta ay maalin walba Shirkadda TELESOM ugu soo diraan farriimo ay ku sheegayaan inuu dalka yimi Dhakhtar boqol cudur dawaynaya, waxaanay taasi noqonaysaa inay dadka marin-habaabinayso, isla markaana ay u sheegayso been, maaddaama oo Dhakhtarku cudurro badan wada aqoon karin ee uu wax gaar ah ku takhakhusayo. Waxaanaynu qormadeennan ku soo qaadan doonnaa dhibaatadii ugu naxdinta badnayd ee ay farriimahaa Haweenay reer Somaliland ahi kala kulantay.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo toddobaadkan waraysi gaar ah siisay Wargeyska Jamhuuriya ee magaalada Hargeysa ka soo baxa, ayay kaga hadashay dhibaatooyinka Caafimaad ee ay Bulshada reer Somaliland kala kulmaan Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee aqoonta aanay lahayn sheegta markay Somaliland yimaaddaan.

Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee qaabka ganacsiga ah Somaliland ku yimaadda, ayaa cidda dadka ku wacyigelisa inay dawayn ugu tagaan, isla markaana xayaysiisa ay ugu badani ay tahay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo Caadhkeeda (Simi-card) yahay ka ugu badan ee dadweynaha reer Somaliland ku isticmaalaan Taleefannadooda gacanta, kuwaasoo ay ku qaybiso farriimo ay ku xayaysiinayso Dhakhtar Ajaanib ah oo ay dad muwaaddiniin ah oo dalka u dhashay ka soo kiraysteen dalalka Jaarka iyo kuwa kale ee Afrika, ka dib marka ay lacag badan ka qaadato dadka soo-kiraysta dadka ay ku sheegaan inay Dhakhaatiir yihiin.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo la weydiiyey in ay Wasaarad ahaan wax ka qabanayaan Dhakhaatiirta Ajeenibka iyo Muwaaddiniinta iska leh goobaha Caafimaad ee dalka ka jira ee iyaga oo aan aqoontooda war loo haynin dalka ka shaqaysta iyo xayeysiisyada joogtada noqday ee ay baahiyaan? Waxay ku jawaabtay; “Haa, way noo qorshaysan tahay. Waa run oo dalka Dhakhaatiir badan ayaa joogta oo waxyaabo badan ayaa Warbaahinta laga xayeysiiya. Maalin walba Telesom lambarkayga waxay iigu soo qortaa Dhakhtar boqol xannuun daawaynaya (oo dalka yimi). Adduunyadana waynu ognahay oo qofku wax keliya ayuu ku takhasusaa oo qof toban wax odhan kara waan ku takhasusay ma jiro. Caafimaadkiina waxaynu ognahay inuu noqday wax loo soo shaqo tegay.”

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland oo ka sii hadlaysa mid ka mid ah dhibaatooyinka ka dhashay Xayaysiiska beenta ah ee ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM marsadaan iyagoo lacag siinaya dadka iyagu soo kiraysta dadka ajaanibka ah ee ay ku sheegaan inay yidhiin Dhakhaatiir, waxay tidhi; “Markaa, immika waxaannu is-dhex wadnaa wixii horena sidii loo kala saari lahaa, waxa soo galayana loo xakamayn lahaa, kadibna wixii shuruucda inoo taalla buuxiya inay dalka ka shaqaystaan, wixii aan buuxinna ka dareeraan oo waqti dhawaydba waxaannu mastaafurinnay Gabadh Kalkaaliso caafimaad ahayd oo  Afrikan ah, laakiin ku shaqaysanaysay inay Dhakhtar Dumar tahay. Waxanise wuxuu u baahan yahay inay bulshadu u soo jeeddo oo aanay ku yaacin halka Dhakhtar lagu sheegaba ee ay iska hubsadaan.”

Dhibaatooyinka laga dhaxlay farriimaha ay Shirkadda Telesom u dirto dadweynaha reer Somaliland, ayaa wax aka mid ah dhacdo aad u naxdin badan oo ay fashilisay Wasiiir Kux-igeenka Caafimaadku. “Bishii hore ee February gabadh oo da’deedu 30 jir tahay ayaa u tagtay dhakhtar Ruush ah oo joogay cusbitaal ku yaal xaafadda New Hargeysa. Ninkii isagoon baadhitaan ku samayn ayuu gabadhii ku qanciyey inuu hayo Kansarka ku dhaca makaanka, kadibna saddex maalmood gudahood ayuu gabadhii qalliin ku sameeyey oo makaankiiba dibadda ka soo dhigay. Sidii kagamuu hadhine qolo kale oo kansarka baadha ayuu u gudbiyey, waxana markii dambe ee baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyey la caddeeyey in gabadhaas xannuunka TB-du haysay, iminka arrintaasi waa mid taagan.” Sidaa ayay tidhi Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo Khamiistii inna dhaaftay waraysi siisay Wargeyska Jamhuuriya.

Waxa kale oo ay Wasiir Ku-xigeenku xaqiijisay in gabadha makaanka laga saaray uu hayey cudurka TB-da ee ku dhaca ilmo-galeenka Haweenka, balse nasiib-darro haweenaydaas da’da yar si khalad ah looga saaray makaanka, arrintaasoo ka mid ah ficillada halista ee Dhakhaatiirta aan aqoontooda caafimaad la hubin kula kacaan dadka Bukaanka ah ee reer Somaliland ee baadhitaannada ugu taga.

Waxay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan ay sheegtay inay dhawaan kulan la yeelan doonaan Wasaarad ahaan Warbaahinta iyo meelaha lagu xayaysiiyo arrimaha Caafimaadka, six al loogu helo dhibaatooyinka ka dhasha xayaysiisyada beenta ah iyo dadkan qof kasta inta la soo kiraysto uu odhanayo waxaan doonaan aqaanna, kuwaasoo ay xustay inaan markaa wixi ika dambeeya la baahin karin xayaysiis caafimaad oo aan Wasaaradda Caafimaadka oggolaansho looga haysanin. Waxaanay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM hormuud ka tahay sababaha keena in qof kasta oo Ajaanib ah oo goob Caafimaad doonayso inay magaca ajaanibka waxay doonaan sheeganaya ay dadweynaha danyarta u badan lacago badan kaga urursadaan.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Heer Qaran (NHPC) ayaa iyagu ku fashilmay inay wax ka qabtaan oo ay hubiyaan aqoonta caafimaad iyo takhakhusaadka dadka ajaanibka ah ee loo soo kiraysto si dadka lacag loogaga helo Dhakhtar khatara oo u dhashay dal heblaayo ayaa kuu jooga Cusbitaal hebel-ka Hargeysa ee ay Shirkadda TELESOM dadka iyaga oo guryohooda iyo goobaha shadaqada jooga ay Taleefannadooda gacanta ugu dirayso.

Dad kala duwan oo ku dhadhaw Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Ururka Mihnadlayaasha Caafimaad iyo dadka iska leh goobaha Caafimaadka ee iyagu ajaanibka aan aqoontooda shuruudda lagu xidin soo kiraysta ee dalka keenaya, ayaa shabakadda wararka ee Aftahannews u sheegay inay Wasaaradda Caafimaadka iyo Ururka Mihnadleyaasha Caafimaadka oo isku dhinac ahi si gaar ah ay isugu xidhan yihiin Dhakhaatiirta iyo dadka kale ee iska leh goobaha Caafimaad ee gaarka ah ee dalka ku yaalla oo iyagu soo kiraysta Ajaanibka ay Bulshada reer Somaliland Lacagta kaga furtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo iyadoo macaash doon ah si buuxda ula wareegtay shaqooyinkii ay qaban jireen keliya Hay’adaha Warbaahineed ee dalku, ayaa ka qayb-qaadata dhibaatooyinka Caafimaad-darro iyo halista aan mustaqbalka waxba laga qaban karin ee dadka sheegta Dhakhaatiirta ee aan aqoontooda Caafimaad iyagoon la hubinnin farriimaha Xayaysiiska ah dadka soo kaxaysta ajaanibka ay marsadaan TELESOM.

Waxaa hadda si cad innoogu muuqata inay Shirkadda TELESOM hormuud u tahay dhibaatooyinka hadda dadka reer Somaliland ka soo gaadhay Ajaanibka Dhakhaatiirta lagu sheego, taasoo ay tusaale cad u tahay u tahay Haweenayda 30-jirka ah ee ay Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadku sheegtay in Makaanka laga saaray, Gabadhaasoo Taleefankeeda gacanta ay Shirkadda TELESOM ugu dirtay farriinta ay ku xayaysiinayso Dhakhtarka sheeganayay inuu Takhakhus u leeyahay Cudurrada ku dhaca ilmo-galeenka Haweenka iyo cudurrada kale ee Dumarka ku dhaca, taasoo markii farriintaas oo ay sidoo kale Telesom ku sheegayso goobta laga helayo ee uu Dhakhtarkaasi fadhiyo u tegtay.

Balse nasiib-darro Dhakhtarkii ay Telesom cajiibka uga dhigtay Gabadhaasi markii ay u tagtay waxay kala kulantay inuu kaba saaro Makaanka, taasoo farriinta ay rumaysatay ka dhaxashay inay waydo mustaqbalkeedii dhinaca taranka maaddaama oo aanay Carruur dambe dhali karin, wax caafimaad ahaan loo qaban karaana ay adag-tahay amaba aanay jirin. Hase-yeeshee, haddii aan arrintan wax laga qaban waxa iman doona dhibaatooyin tiro badan oo aanay bulshada ku dhaqan Somaliland ka soo waaqsan karin, waxaanay arrimaha noocan ah ee is-huwan ay wax-ka qabashadoodu u taallaa dawladda Somaliland oo iyadu ka masuul ah dalka iyo dadkaba.

La soco Xogo kala duwan oo daaha ka faydaya dhibaatooyinka taxanaha ah ee ay Shirkadda TELESOM ku hayso shacabka Somaliland oo isugu jira taxanaha farriimaha ay dirto, dhibaatooyinka laga dhaxlo iyo mushaakilaadka caafimaad ee ay dadka ku hayaan Taawarrada Shirkaddaasi ku taxday Xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka Somaliland, nooca dhibaatooyinka ka dhashay, nooca kuwa Dhakhaatiirtu waxba ka qaban kari waayeen iyo saamaynta inta maanta jirta ka sii badan ee dadweynaha ku soo fool-leh oo ay Qorayaasha iyo Weriyeyaasha Shabakadda Aftahannews idiinku soo gudbin doonaan si joogto ah haddii ILLAAHAY yidhaahdo insha Allaah.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.