Guddiga Shirweynaha KULMIYE oo Muddo-kordhin dalbaday markii uu 22 March ka dib-dhacay

“Muddo-kordhinta dabada furan ee Xukuumadihii, Golayaashii deegaanka iyo Baarlamaanka loo sameeyey waxba kama duwana ta dib-u-dhaca Shirarka Xisbiyadu..Waxaannu soo jeedintayada u gudbinnay…” Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere: Waraysi Gaar Ah

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Saddexaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa sheegay inay Hoggaanka Xisbiga ka dalbadeen muddo-kordhin la xidhiidha xilliga qabashada Shirkaas oo dhawr sano oo hore dib-u-dhacyo kala duwani ku yimaaddeen waqtiga qabashadiisa, isla markaana wakhtigii ugu dambeeyey ee loo cayimay in lagu qabto oo ahayd 22-ka bishan March ee aynu ku jirno oo shalay ku beegnayd oo caqabad dhinaca qaybinta Ergooyinka ka soo food-saartay awgeed lagu qaban kari waayey wakhtigiisii.

xildhibaan-cabdiraxmaan-dheere

  Guddiga qaban-qabada shirweynaha kulmiyeimages

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana Xubin ka ah Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo xalay khadka taleefanka wax kaga weydiiyey dib u dhaca Shirweynaha saddexaad ee Xisbigaas oo shalay ku beegnaa xilligii ugu dambeeyey ee loo cayimaa waxa riixay iyo sababta ay u shaacin waayeen muddada kale ee la qabanayo Shirkaas, ayaa sheegay inay Guddi ahaan Hoggaanka Xisbiga u gudbiyeen codsiga muddo-kordhin loo sameeyo wakhtiga Shirweynaha.

“Soomaalidu marka ay wax qaybsanayso ayay kala tagtaa oo nin waliba reer buu noqdaa, Xisbiyada iyo waxan waa laga guuraa, markaa duruufo noocaas ah baa iska jira. Ma doonayno in xoog la isku muquuniyo, waayo marka hore ayuu Xeerkayaga ku jiray in la wadahadlo oo xal iyo is-faham wax lagu dhammeeyo, iyadoo la wada calool-fayoow-yahay. Markaa, taas qaybinta Ergada ayuun baannaan weli go’aankeedii gaadhina dhammaan hawlaha kale ee Shirku way dhan yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo ka jawaaabeyey su’aal laga weydiiyey caqabadda dib-u-dhaca ku keenay qabashada Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere, waxa uu sheegay in wali lagu kala aragti duwan yahay hawlo la xidhiidha tirada Ergada Shirweynaha ka soo qaybgalaysa, “Ta qabyada ahi waa taa wax qaybsiga, dadkuna kala figrad weeye oo qaar waxay leeyihiin saddexdii doorasho ee u dambeeyey tirada codadkii ka soo baxay Ergada hallagu qaybsado, waa soo jeedintii aannu markii hore isla qaadannay, markaa KULMIYE dad badan oo aan hore u ahayn oo Xisbiyo kale ku jiray, laakiin maanta KULMIYE ku jira. Qaar kale waxay leeyihiin Reero hallagu qaybiyo, qaar waxay leeyihiin tirada halla kordhiyo, dadka qaarba aragti bay qabaan. Markaa, hawlo yar-yar oo noocaas ah ayaa la isku diiddan yahay ee dhibaato kale ma jirto, taasna codba waa lagu kala bixi karaa oo haddii qof diido iyo haddii labaatan diidaan waa isku mid. Laakiin, inaan la is-muquunin oo wadahadal iyo isfaham wax lagu dhammeeyo ayuu Xeerkayagu yahay.”

Md. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maaddaama oo uu Shirweynuhu maalintii loo cayimay qabashadiisa oo shalay ahayd uu ka dib dhacay waxa ay u shaacin wayeen wakhtiga kale ee loo riixay, waxa uu ku jawaabay; “Haddana Illaahay bay tiisa tahay oo waata sidaa u dhacday, Rejadayaduna ma xuma kollay maalin ay dhammaataba hawshu way soo dhammaan doontaa Insha Allaah. Shirkana maalintiisii la qaban lahaa maanta (Shalay) ayay dhammaatay. Laakiin, annagu codsigayagii iyo soo jeedintayadii waannu u gudbinnay Shir-guddoonka Xisbiga (Hoggaanka KULMIEY).”

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo la sii weydiiyey in Hoggaanka Xisbigu ka aqbalay Guddi ahaan soo jeedintooda muddo-kordhinta qabashada Shirweynaha iyo muddada ay dalbadeen ama ay soo jeediyeen in lagu qabto, waxa uu yidhi; “Wallaahi weli annaga nagumay soo celin oo waannu aqbalnay namay odhanne annagu waannu u gudbinnay oo way hayaan hoggaanka Xisbigu. Muddada aannu dalbannay ama soo jeedinnayna waa muddo aan badnayn, kol haddaan la aqbalin weli si cad uma sheegi karno maalmaha ay tahaye, laakiin waa waxaan badnayn, March hadduu dhaafana waxa uu dhaafaa waa waxaan badnayn ee marka hoggaanku aqbalo waa la shaacin doonaa.”

Mar Xildhibaan Cabdiraxmaan la weydiiyey ma la odhan karaa Guddi qaban-qaabo ahaan go’aan-qaadashadiinna ayaa jilicsan oo qayb ka ah caqabadaha dib u dhaca Shirweynaha KULMIYE? Waxa uu ku jawaabay; “Marka dad aan is-garanayn oo kala bii’ad ah oo qaarkood ay immikaba isugu horreyso qaabka wada shaqayntooda horta hagab-hagab baa iska gasha, mishkiladduna maaha go’aan jilicsanaan iyo habacsanaan kale, ee Reerana waynu nahay Xisbiyo-na waynu nahay, laba nidaamna mar ma wada shaqayn karayaan. Markaa, midka kay isaga ugu badinayso ayaa cajabisa, markaan waxba lagu qaybsanayninna nidaamkaa Xisbiyada waynu jecelnahay, marka wax lagu qaybsanayana taa beelaha aynu jecelnahay badankeennu, saddexda Xisbina mid waliba Sharci iyo nidaam buu leeyahay, mid dadku inay u wada bataan lagama yaabo, laakiin midba cid baa u badanaysa ee kaa aad kolba la joogto haddii cidday nidaamkiisa ugu badanayso aanad ahayn xagga kale ayaad u cararaysaa. Markaa, mushkiladdu waa taa reeraha ee reernimada.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo ah Sharci-yaqaan, waxaan weydiinnay marka aanu dhinaca Kulmiye-nimada ka eegin ee uu Sharciyan uu u eego waxa sharcigu ka qabo muddo-kordhinta iyo kolba dib u dhaca dhawrka sano ku yimi Shirweynaha KULMIYE, waxa uu ku jawaabay; “Waa la isla oggol yahay, dabcan farraarreheeda, oo farraaro badan ma yeelatee waxay mushkiladdu tahay uun inay waxani naga dhammaadaan, waana iska dabeecad ama dhaqan oo waxeennu dabada ayay ka furan yihiin. Markaa, waatan Xukuumadihii iyo Baarlamaannadii waa kuwan mar walba dib u dhacaya ee kolba dabada laga furayo, markaa kama madhna kuwaasoo, waad weynu ogeyn oo wakhtigii Daahir Rayaale Madaxweynaha ahaa intaas oo jeer baa muddo-kordhin loo sameeyey, Golayayaashii Deegaanka siddeed illaa sagaal jeer baa wakhtiga loo kordhiyey, Baarlamaanka waa loo kordhiyey, markaa, muddo-kordhinta Xisbiyaduna taa waxba kagagama duwana oo waa sharci.”

Sarkaal sare oo ka tirsan Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in muddada la filayo laba toddobaad illaa saddex toddobaad loo cayimo in lagu qabto Shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee shalay wakhtigii loo cayimay in lagu qabto ee 22/March, 2014, oo shalay ku buuxday, isla markaana labada ama saddexda maalmood ee foodda innagu soo haya ee toddobaadkan in si rasmi ah loogu dhawaaqo muddada mar kale dib loogu riixayo Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE oo sannado muddo-dhaaf ah.

Xigasho Wargeyska Himilo.