Faysal Cali Waraabe oo Siilaanyo ku Hambalyeeyey Safarka Laas-qoray, arrinta doorashadana ka hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii ugu horreysay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo ku hambalyeeyey Safarka ay isaga iyo Weftigiisu Axaddii toddobaadkan ku tageen magaalada Laas-qoray oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaas oo aanu weli Madaxewyne Siilaanyo ka horreeyey booqasho ku tegin.

Feysal_Cali_Waraabe_UCID_Xisbi

Faysal Cali Waraabe oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu dibedda ugu maqnaa, ayaa sheegay inaanay aqbali doonin wax muddo-kordhin ah oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo haddii waqtigi doorasho la’aan kaga dhammaado, waxaanu ku hanjabay mar kale inay dawlad Ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa ay dhisi doonaan, haddii muddo sannad iyo laba bilood ah oo ka hadhay wakhtiga Madaxweynaha doorashada lagu qaban waayo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo markii uu maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka, waxa uu yidhi; “Waxaan jeclahay inaan halkan ka hambalyeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland socdaalkii ugu dambeeyey ee uu Laas-qoray ku tegay, arrintaasina waxay ahayd arrin habsaantay, arrin qarana way ahayd, laakiin waxa ka wanaagsan inta aanu dhulka tegin inaad maamul ka samayso oo sharcigaagu ka socdo, ciidmamadaadu joogaan, horumar gayso, dadka bariguna dacwadooda dibaday geeyaan, ta ugu badan ee ay geeyaana waa in Somaliland curyaamisay oo aanay awoodda maamul waxba ka siinin, dhaqaale waxba ka siin, taas weyaan cudurka ugu weyn ee uu garaacayo ninka Cabdi Wali la yidhaa oo leh dadkaas isku ehel baannu nahay, dadkayagiina waa la qadiyey buu leeyahay, waanan ku hambalyeyna in madaxweynuhu soo salaamo dadka reer Somaliland, waana waajib qaran.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo socdaal ugu maqna dalka Itoobiya, Kenya iyo Tansaaniya, ayaa sheegay inuu la kulmay bulshada caalamiga ah, kalana hadlay sidii Somaliland looga taageeri lahaa  diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaannu yidhi; “Socdaalkaynu wuxuu ahaa inaan la soo kulmo bulshada caalamka, muhiimada u weyna waxay ahayd inaan ka raadiyo waxaynu u baahanahay ee ah diiwaangelinta codbixiyaayaasha oo baryahan saddexda xisbi qaran iyo Guddida Doorashooyinku ka shaqaynayeen, kuna heshiinay hab loo sameeyo, ayaan anigoo saddexda xisbi afkooda ku hadlaya tegay, waxaanan u soo bandhigay micnaha weyn ee Somaliland u leedahay, diiwaangelintuna waa inay waqtigeeda dhacdo si doorashadu inoogu qabsoonto, inooguna hagaagto iyo dhibaatada ka iman karta haddii doorashadu dib u dhacdo ayaan kala hadlay, dawladaha aan la soo kulmayna way noo ballanqaadeen in ay nidaamkii bilaabaan. Waxa aan hayaa warbixin fiican oo aan dawlada iyo shacabka la wadaagi doono.”

Waxa kale oo Eng. Faysal Cali-waraabe digniin u diray maamulka Putland oo uu sheegay in madaxweyne Cabdiwali uu warbaahinta ka sii daayo hadalo dhib u ah qaranimada Somaliland, waxaannu yidhi; “Soomaaliya waxay ku jirta baaxadeg, dawlad-gobolleeda la samaynaya oo gobolkiiba qabiilo ku fadhiyaan, markaa Soomaaliya waxaad moodaa qof buka. Waxa kale oo aan ka hadlaya ninkan durbaanka garaacaya ee Garoowe laga doortay ee doonaya inuu dhibaato qabiil kiciyo ee labada gobol maamulka ka samaystay ee halkii uu ka hagaajin lahaa bilaabay tolaayey oo ah wixii Soomaali baabiyey oo annaguna Somaliland ahaan aanu xaq u leenahay in aannu xuduudahayaga difaacno oo anaan ogolaanayn in nin iska sheegto oo uu yidhaahdo waxaan beddelaaya xuduudihii Somaliland iyo Soomaaliya.”

Guddoomiyaha UCID  oo la waydiyey mawqifka uu ka taagan yahay haddii muddo kordhin xukuumaddu loo sameeyo wuxuu yidhi; “Siilaanyo maalinta xilku ka dhammaado, haddii doorasho qabsoomi waydo albaabkuu ka baxayaa, saw manaan odhan jirin ha ka baxo Rayaale, saw manaan u diidi jirin inuu sannad kordhiyo, tiibaana maanta taagan, dawlad aan ku-meelgaadh ah oo aan KULMIYE ahayn baa la samaynayaa, laakiin kordhis dambe maya, Barlamaanka xaraan ku fadhiya, Guurtida xaraan ku fadhida, hadday dawladduna xaraan ku fadhido, dee waa wada xaraan meeshu.”

“Shacabka waxaan leeyahay waxaad moodaa inaynu adduunka ka go’anay oo meehsa wax isla marayaan iyo halka la ina marinayo ma ogin, waxaanad moodaa inaynu marfishyadii ku koobanahay, waxaana loo baahan yahay in dadka la mideeyo oo adduunka la dhax galo, lana ogaado waxa socda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, isagoo shacabka kula dardaarmay inay ka warqabaan dhibaatooyinka caalamka ka socda.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.