Maamulaha Dugsiyada Nuura-diin oo Xabsiga u taxaabay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Hargeysa(Aftahannews):- Qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) ahna Maamulaha Dugsiyada Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, ayay maanta Xabsiga u taxaabeen Ciidammada C.I.D-da oo uu ka dambeeyo Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuura-diin Mahad Ibraahin, kaasoo lagu xidhay xarunta Sirdoonka gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa).

Gahayr1

Ciidammada Booliska, gaar ahaan Waaxda dembi baadhista ee C.I.D-da, ayaa maanta Magaalada Hargeysa ku xidhay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ka mid ah Macalimiinta iyo qorayaasha reer Somaliland ee Caasimadda Hargeysa ku dhaqan, waxaanu xadhiggiisani noqonayaa markii labaad, iyaga oo toddobaadkii hore-na muddo afar saacadood ah ku xidhay xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa.

Illaa hadda lama oga ujeeddada ka dambaysa xadhigga Siciid Maxamuud Gahayr, hasa-yeeshee Aftahannews ayey u tibaaxeen dad ka ag-dhawaa Siciid Maxamuud Gahayr markii la xidhayey, in xadhiggiisa ay ka dambeeyeen Maamulaha guud ee Digsiyada Nuura-diin Mahad Ibraahin iyo Taliyaha Saldhigga Koodbuur oo lagu magacaabo Diin-qal.

Ciidamada dambi-baadhista C.I.D-da ayaa toddobaadkii hore xidhay Siciid, isla markaana muddo afar saacadood ah ku hayey xaruntooda, xadhiggaasi oo uu Siciid laftiisu sheegay inay ku yimid muran dhex-maray isaga iyo Ciidammada C.I.D-da.

Balse waxay ila-wareedyadu tibaaxayaan in Xadhigga maanta lagula kacay Siciid Maxamuud Gahayr uu ka dambeeyey Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuura-diin Mahad Ibraahin oo dhawaanahanba khilaaf ka dhexeeyey, inkasta oo toddobaadkii hore la sheegay in khilaafkaas la soo afjaray. Maamulaha Nuura-diin Mr. Mahad oo aannu isku daynay inaannu arrintan wax ka weydiinno ayaanay noo suuragelin.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.