Daawo Orodyahanka Mo Faarax oo Istaagga ka dhacay, kaalinta labaadna ka galay tartan ka socday New York

New York(Aftahannews):- Halyeyga reer Somaliland ee Orodyahanka ah Maxamed Faarax oo loo yaqaanno Mo Faarax, ayaa Dhakhtarka loola cararay, ka dib markii uu sarajoogga ka dhacay barta dhamaadka ee tartanka badh Marathon oo uu maalintii shallay kaga qayb gallay Magaalada New York ee wadanka Maraykanka.

Mo Farah

Mo Farah

Mo Farah oo yaaliin ah
Orodyahankan 30 jirka ah ee Wadanka Ingiriiska labada biladood ee Dahabka ah u soo hooyey ciyaarihii London Olympic 2012 , ayaa ku kufay meel wax yar ka sokaysa xariiqda dhamaadka orodka astaanta u ah, qarkana u saaran inuu kaalinta koowaad gallo , hadana degdeg u kacay oo sii watay orodkiisa , kaalinta labaadna ka gallay orodka Marathon ka qaybtii ah ee New York City, laakiin markii uu ka gudbay xariiqda dhamaadka orodka , miyir doorsoomay , gegidana lagaga saaray isagoo Kursiga curyaamiinta lagu riixayo.

Mo Farah oo sarajooga ka dhacay
Isagoo saxaafada la hadlaya woxogaa kadib markii xaaladiisu soo fiicnaatay, Maxamed Faarax wuxuu yidhi: ‘Waan fiicanahay. Xoog uun baan u orday markii tartanka. wax dhib ahi ma jiraan.
‘Markii aan kufay, Si xun baan u dhacay. Naftaydaan ku idhi “Ha liicin” laakiin markii aan eegay inta ii hadhay, woxogaa baa noo dhexeeyey. Cimilada maanta ee magaaladani (New York) waxay ahayd mid aad u qabow. London qabowga sidan u darani kama jiro.

Mo Farah oo Dhulka Jiifa
‘Waan ku farxi lahaa maanta haddii aan ku guulaysan lahaa, laakiin isagu (Geoffrey Mutai) waa orod yahan fiican. waan sii wadayaa tababarka.’
Heerka cimilada ee xaafada Manhattan oo Maratoonku ka dhacayay ayaa ahayd mid si weyn u qabow oo baraf badani ka dhacayay subaxnimaddii orodku bilaabmayay.

Injured Mo Farah
Maxamed Faarax ayaa ah Aabo 30 jir ah oo 3 carruur ah dhallay , in kastuu u dhashay Somaliland , hadana wuxuu haystaa dhalashada wadanka UK , waxaanu laba biladood oo dahab ah ku guulaystay sanadkii 2012 ciyaarihii Olympica ee ka dhacay London.

Turjumaadda Caydaruus Sheekh Cumar

Aftahanin@gmail.com

Aftahannewss.com

Hargeysa/Somaliland