Gacan ku haynta dhaqaalaha dadka danyarta ah iyo ku xad-gudubka Adeegga Zaad ee Shirkadda Telesom

Hargaisa(AftahanNews):- Waa qaybtii 3aad ee aynu ku eegaynay dhibaatada adeega lacagta laysugu diro iyo sirta ka danbeesa· 

:Shrikadaha taakuleeya adeeggan ayaa waxay dadaalkoodii isugu soo aruuriyeen waddamada dhaqaalohoodu uu hadda soo kacayo kuna yaal Africa iyo Asia, Taasoo ka dhigeysa shucuubta dalalkaasi dad aan marnaba ka maarmin adeega MMT, iyadoona looga faa’iideysanayo baahida ay u qabaan adeeg xawaaladeed si fudud oo degdega ah lacagaha ugu kala xawilanayaan, halka dhaqdhaqaaqa lacageed iyo kala xawilaadda lacagaha si toos ah loo hoos geynayo dawladaha reer galbeedka

allbarkaad

Dabasocodka dhaqaalaha reer galbeedka:Adeegga MMT ayaa suurtagalay kadib heshiis dhex maray shirkado isgaarsiineed iyo bangiyo caalami ah oo shirkadda MasterCard ee Mareykanka dhexdhexaadiye u aheyd. Dhamaan shirkadahan ayaa ah kuwo ka wada shaqaynayey sidii ay suuqa dhaqaalaha adduunka gacanta ugu dhigi lahaayeen isweydaarsiga dhaqaaluhuna iyaga ugu koobnaan lahaa. Arrinkan ayaa ah mid yaraynaya lacagaha kaashka ah, kana dhigaya bulshada oo dhan mid hoos timaada una afduuban gaalada reer galbeedka.
Khalkhal gelinta badqabka dhaqaalaha shacabka somalida ah Adeeggan ayaa ah mid halis ku ah.badbaadada ummadda somaliyeed ah, waxaa loo adeegsan karaa waxa loogu yeero ‘ladagaallanka fangareynta argagixisada’ taasoo ah marmarsiyo lagu doonayo in lagu bannaysto xoolaha, xuquuqda iyo xorriyada dadka  , dhaqaalahoodana lasoo fara geliyo, isla markaana lagu hayo xilli walba handadaad joogta ah.
Khatarta uu leeyahay hadii adeegga la joojiyo ama uu burburo:Waxaa si fudud adeeggan amar ugu joojin kara siyaasiyiinta reer galbeedka iyagoo u cuskanaya eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn sidii hore ugu dhacday shirkaddii ‘Barakaat’ ee imka u kala baxday laamaha telesom hormuud iyo golis. Waxaa kaloo dhici karta in shirkaddu dhaqaala beesho, taasoo dhibaato baaxad leh iyo khasaare aan laga soo kaban dhabarka u saari karta shacabka.
Khatarta Xatooyada Xeeladeysan (Hacking):Moobilada oo ah qalab u nugul xatooyada xeeladeysan ayaa ah mid saamayn weyn ku yeelan karta dadka adeeggan isticmaala..
Suuqa oo laga saaray lacagta warqadda ah:khatarta ugu weyn ee garab socota adeeggani ayaa waxaa ka mid ah in lacagta warqadda ah suuqa ka baxdo, sababtoo ah adeega MMT waxaa horraantiisiiba loo qorsheeyey in uu lacagahoo dhan meel isugu keeno kadibna lagu taakuleeyo dhaqaalaha reer galbeedka ee hadda sii burburaya.
Xawaaladihii oo meesha ka baxaya:Faafitaanka adeeggani wuxuu burburinayaa xawaaladihii ay dadku badanaa isticmaali jireen. Haddii uu sidaas ku sii socdona wuxuu adeeggan gebi ahaanba suuqa ka saarayaa xawaaladaha  iyo banaanka dawaladaha Somaliland iyo Somalia kuna khasbayaa dadka inay MMT oo keliya ku koobnaadaan.
MMT wuxuu bulshada u sanduleynayaa shirkadaha adeegan bixiya:sii faafitaanka adeegga MMT ayaa wuxuu sababayaa in dhaqaalaha malaayiin ka tirsan shacabka muslimka ah si buuxa gacanta uu ugu jiro shirkadaha reer galbeedka ee taakuleeya adeeggan. Taasoo ka dhigeysa adeegga MMT mid uu saameeyo isbeddel kasta oo dhaqaaleed ama siyaasi ee ku yimaada shirkadaha maalgeliya MMT.
 
la saco Qaybtii 4aad……………………..
Maxamed Bashiir Nuur 
Aftahan News
Hargaisa/Somaliland/Office