Dhibaatada Adeegga Mobile Money Transfer Iyo ujeeddada Sirta Ka Danbeesa!

Hargaisa(Aftahan News)_ “economic globalization” waa qaab dhaqaale oo loo asaasay in lagu taakuleeyo danaha gaarka ah ee dowladda Yahuuda iyo kuwa reer galbeedku ka leeyihiin daafaha caalamka, si ay u maalgeliyaan dhaqaalaha wadamadooda iyagoo ku tumanaya xuquuqda dowladaha iyo dadka taagta daran.

allbarkaad

Waxa intaas sii dheer faragelinta ay ku hayaan dhaqaalaha Caalamka oo ay u adeegsanayaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee sanadihii u danbeeyay la dagay shirkadaha ugu waaweyn dalalkooda. Hadaba mashaariicda ay faafiyeen si loo naaxiyo dhaqaalahooda sii hoobanaya ayaa waxaa ka mid ah adeegga loo yaqaan Mobile Money Transfer ee loo soo gaabiyo (MMT).
Adeegga MMT wuxuu soo galay Dawaldaha Soomaaliya,Somaliland iyo maamul goboleedka puntland isagoo huwan magaca Zaad/Sahal  iyo EVC dadka Soomaalida ahna loogu sheegay in uu u fududeeynayo xawilaadda lacagaha, iyagoo si sahlan oo degdeg ah Moobilkooda wax ugu iibsanaya, ama ugu adeeganaya. Waxaa adeeggani markii ugu horeysey soo bandhigay sadddex shirkadood oo taageero ka helaya bangiyada dowladaha gobolka afrikada bari iyo aduunka. shirkadahaas ayaa kala ah: Hormuud (somalia), Golis (puntland) iyo Telesom (somaliland).oo isku ah All Barkaat
Adeegan MMT ayaa si xowli ah ku fiday isagoo taakulayn xoog leh ka helaya dowladaha galbeedka, gaar ahaan dowladda Mareykanka, taasoo dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loogu faafin lahaa dhamaan goobaha ka baxsan dalkeeda.
Waxey kaloo ugu talagaleen sidii qurbajoogta Soomaaliyeed u isticmaali lahaayeen adeeggaasi marka ay eheladooda lacagta u dirayaan maadaama isha labaad ee ugu weyn dhaqaalaha waxa loogu yeero wadamada soo koraya uu ku tiirsanyahay lacagaha dibadaha ay ka soo diraan dadka qurbajoogta ah.
Taas marka la fiiriyo, waxaa la oran karaa yoolka Mareykanka ee ah in la faafiyo adeegga MMT ayaa ah mid qaab qorshaysan oo qotodheer ku socda, laguna doonayo in dhaqaalaha Muslimiinta iyo hantidooda gacanta lagu dhigo. Waana waxa keenay in adeeggan uu yahay mid aad uga dhex muuqda waddamada soo koraya iyadoo gebi ahaanba aan laga isticmaalin dalalka loogu yeero wadamada waaweyn sida Mareykanka.
Kadib markii si qotodheer loo baadhay saamaynta xun ee nidaamkan ku leeyahay dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo ujeedooyinka gurracan iyo weliba dhagarta ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu ka leeyihiin hirgelintiisa ayaa waxaa muuqday in hadafkoodu yahay sidan soo socota : La soco Qaybta 3aad,,,,,,,
 Maxamed Bashiir Nuur 
Aftahan News
Hargaisa/Somaliland/Office